25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Daawo Sawirro: Meydad Soomaali ah oo daadsan xeebaha LIBYA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeebta dalka Libiya ayaa waxaa laga soo uruuriyay Boqolaal Meydadka Tahriibayaal Somalia u badan kuwaasi oo badda u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga ay dooni kula degtay.

Meydadkaani ayaa waxaa laba maalin laga uruurinaayay xeebta Libya kuwaasi oo ka dhacay maqaarka jirkooda, kadib markii muddo badan ay ku dhex jireen biyaha Badda, waxaana Meydadkaasi xeebta kasoo daad gureeyey shaqaale ka tirsan Hey’ada Bisha Cas.

Inta badan meydadka ayaa waxaa laga soo uruuriyay Magaalada Zuwara ee dalka Liibiya oo ah meel ay inta badan ka baxaan doomaha muhaajiriinta ee u socda dalalka Yurub.

Kumanaan qof ayaa ku naf waayay badaha labadii sano ee lasoo dhaafay sida laga soo xigtay Hay’adaha QM iyo kuwa kale ee samafalka.

Dowlada Liibiya ayaa sheegtay inay wado aruurinta meydadka xeebta kusoo caariyey, walina war kama soo saarin wax xog ah baaritaanka ay wadaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Tahriib1

Tahriib2

Tahriib3

Tahriib4

Tahriib5

- Advertisement -

Read more

Local News