30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Cabsi xoogan oo ka taagan magaalada Beledweyne kadib…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii dhawaan dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen magaalada Beledweyne ayaa haatan waxaa la dareemayaa xiisad ka taagan magaalada Beledweyne.

Xiisada dagaal ee laga dareemayo magaalada Beledweyne ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamadii dhawaan laga kaxeeyay xaafada Howlwadaag ay dib ugu laabteen fariisimihii horey ugu dagaalameen.

Xiisada maanta ayaa ah mid laga dareemayo xaafado ku yaala Howlwadaag, waxaana isku horfadhiya dhinacyadii dhawaanahaan ku dagaalamay magaalada, iyadoo lagu guul dareystay dadaalo la doonayay in lagu soo afmeero xiisada magaalada ka taagan.

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa wada dadaalkii ugu dambeeyay oo ay donayaan iney ku dhameeyaan xiisad beeleedka ka taagan magaalada Beledweyne.

Horey waxaa maleeshiyaadka deeganada ku dagaalameen loo geeyay maleeshiyaad kale oo kala dhexgalay dhinacyada dagaalamay, balse haatan ayay dib ugu laabteen iyagoo cadeeyay in hamigii la lahaa lagu guul dareystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News