Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa tagay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiin maamulkiisa ka tirsan.
C/Welli Gaas oo barqonimadii maanta tagay magaalada Boosaaso ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha muddo kooban waxaana kadib uu safar ku aadan magaalada Dubia ee wadanka isku taga imaaraadka Carabta.
C/Welli Gaas oo saxaafada kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ujeedada socdaalka uu ku tagayo magaalada Dubai ay tahay sidii uu imaaraadka kala hadli mashaariicda horumarineed ee Imaaraadka uu ka wado deegaanada Puntland.
Waxyaabaha kale ee uu kala soo hadli doono Imaaraadka ayuu ku sheegay iney tahay arimaha amaanka ee deegaanada Puntland, sidii ay u heli lahaayeen taageero dhanka ciidanka ah.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay inuu guul kala soo kulmay safarkii uu maalmahaan ku joogay magaalada Muqdisho, isagoo sidaasi oo kale rajeeyay inuu guul kala soo kulmo imaaraadka carabta.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

