Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee Xarunta maamulka Hiiraan ayaa sheegaya in Odayaasha ka gadoodsan shirka ka socda magaalada Jowhar ee uu shirka uga socdo magaalada Beledweyne ay Madaxweyne Xassan Sheekh u gudbiyeen shaqsiga ay ku qanci karaan in Madaxweyne looga dhigo maamulka cusub ee loo dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Odayaasha oo isla falanqeeyay waxa ay ku raali noqon karaan ayaa Madaxweyne Xassan u qoray fariin ay ku dalbanayaan in Madaxweynaha maamulka cusub uu u carbiyo Danjiraha Somalia u fadhiya Dalka Turkiga Cabdullahi Maxamed Cali ”Sambaloolshe”.
Odayaasha ayaa qoraalkooda ku cabiray maslaxadooda ku aadan Gobolka Hiiraan waxa ayna Xassan Sheekh ka dalbadeen in Sambaloolshe oo ay saaxiibo yihiin garab kusiiyo noqoshada Madaxweynaha maamulka cusub.
Odayaasha waxa ay sidoo kale dalabkooda ku sheegen in marnaba aysan aqbali doonin in cid kale Madaxweyne uu ka noqdo maamulka, iyaga oo ku taliyeen in talaabo waliba lagu saleeyo rabitaankooda.
Waxa ay qaadaceen rabitaanka Xassan Sheekh ee ku aadan in shaqsiyaad kale uu xilkaasi ku baadi-goobo.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xassan ayey ka dalbadeen in Cabdullahi Maxamed Cali ”Sambaloolshe” booska uu hadda hayo lagu buuxiyo shaqsi kale oo ay isku heebyihiin, isagana loo gacan galsho maamulka cusub ee loo dhisaayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Madaxweyne Xassan ayaa iminka qarka u saaran inuu ku fashilmo maamulka cusub ee loo dhisaayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

