28 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Amisom oo carruur iyo dad waa weyn ku xasuuqday meel qura

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay halkaasi ku xasuuqeen dad shacab ah.

Ciidamadaani ayaa dadkaasi shacabka ah ku dilay Degaan duleed ka ah Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe.

Deegaanka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Dhuldoog waxa uuna dhanka Galbeed uga beegan yahay Magaalada Jowhar.

Dadka shacabka ah ee la dilay ayaa tirro ahaan gaaraya ilaa Lix ruux, kuwaasi oo ay ku jiraan Carruur da’dooda ay ka yartahay 10 jir.

Dadkaani oo hal meel kuwada sugnaa ayaa waxa ay ciidamada AMISOM ku fureen rasaas aad u farabadan waxaana ku dhintay dadka ay tiradoodo kor ku xusan tahay.

Dowlada somalia iyo Maamulka Gobolka ayaan wali ka hadal xasuuqa ay ciidamada AMISOM u geysteen dadkaasi shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News