27.9 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Hoobiyayaal caawa lagu garaacay Xalane iyo warar sheegay arrin…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Tirro madaafiic ah ayaa waxa ay caawa ku dhaceen Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay deegan ku yihiin diblumaasiyiin iyo Saraakiil Cadaan iyo African isugu jira.

Gudaha xarunta ayaa waxaa ku dhacay ilaa Seddex Hoobiyayaal, waxaana daryanka Hoobiyayaasha xigay dhawaqa gaadiidka gurmadka ah ee loo yaqaan Ambalasta.

Hoobiyayaasha ayaa la sheegayaa in laga soo tuuray dhanka Jazeera, waxa uuna bartilmaameedka Hoobiyayaasha ahaa qeybta ay Xalane kadegan yihiin reer galbeedka.

Saraakiisha AMISOM oo arrintaani wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday in faahfaahin ay ka bixiyaan, balse waxa ay hadalkooda kusoo kooben inay ku dhaqaaqayaan baaritaan ku aadan khasaaraha.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay Hoobiyayaasha ku dhacay Xalane, mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News