26.1 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Xafladda caleemo saarka Saciid Deni oo bilaabatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Waa goordhow xarunta magaalada Garowe ka bilaabatay xafladda caleemo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan.

Goobta munaasabadda ka dhaceysa ayaa aad loo qurxiyay, waxaana ku sugan masuuliyiin kala duwan, iyadoo kuraaska hore loo qorsheeyay inay ku fariistaan madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Wafuud Caalami ah oo ka socota dalalka xiriirka la leh Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya munaasabadda, waxaana kamid ah wafuud ka socota Kenya, Ethiopia, Turkey, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo kuwo kale.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa inay bilowdaan hadal jeedinta ay sameynayaan madaxda kala duwan ee ka qeyb galaysa munaasabadda caawa ka dhaceysa magaalada Garowe.

Caasimadda Online ayaa si toos ah idiinkuugu soo gudbin doonto khudbadaha madaxda ku sugan magaalada Garowe.

- Advertisement -

Read more

Local News