Xalinta khilaafka Mustafa iyo Axmed Shide oo loo joojiyey hal arin darteed

Jigjiga (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee dhulka Soomaalida Ethiopia ayaa shaaciyay inay gabi ahaanba joojiyeen inay xal u raadiyaan khilaafka u dhaxeeya madaxda xisbiga talada haya iyo madaxweynaha dowlad deegaanka.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ku baxeen markii hore khilaafka madaxda soo kala dhex galay si xal looga gaaro, balse markii ay wax badan qiimeeyeen kadib ay go’aansadeen inay joojiyaan dadaalkooda.

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed oo kamid ah odayaashii ku howlanaa dhameynta khilaafka u dhaxeeya Axmed SHide wasiirka maaliyadda Ethiopia iyo madaxweyne Mustaf Cagjar.

Wuxuu sheegay in marka hore ay labada dhinac ka heleen balanqaad ah inay kasoo qeyb galayaan kulamo ay ugu yeereen, balse markii la gaaray waqtiga uu balantii kaga baxay Axmed Shide.

Garaad Kulmiye, ayaa sheegay in markii ay waayeen Axmed Shide kadib ay go’aansadeen inay iska joojiyaan waanwaantii ay ka dhex wadeen dhinacyada iskuu haya ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Hoos kadhageyso codka Garaada Kulmiye

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasimada@live.com