Xaliimo Yareey oo sheegtay in shaqadii guddigeeda doorashada lala wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa khamiistii todobaadkaan baarlamaanka Soomaaliya u sheegtay in shaqada guddiga ay baarlamaanka ku milmeen.

Xaliimo Yareey, oo warbixin siineysay guddiga kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan sameynta sharciyada kale ee dhameystiraya sharciga doorashooyinka, ayaa sheegtay in shaqadii gudigeeda ay faro-gelin ku hayaan oo ay si dadban la-wareegeen baarlamaanka arrintaasina ay tahay nasiib darro weyn.

“Gudigiina shaqadaan ma ahan waajibkiina waa mid anaga noo taalo waxayna aheyd inaa annaga soo diyaarino waana caqabad taagan,” ayey Xaliimo Yarey u sheegtay ee guddiga isku dhafka ah.

Goobta ay hadalkaan ka sheegeysay Xaliimo Yareey ayaa waxaa ku sugnaa ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxayna wararku sheegayaan in xubno ka tirsan guddiga ay qirsan yihiin doodda Xaliimo yareey.

Inkastoo ay Xaliimo Yareey iyo guddigeeda shaqadaan u fasaxeen guddiga baarlamanka, hadane waxay sheegtay in arintaan ay abuuri karto caqabado kale oo hor leh.

Guddoomiyaasha labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan si wadajir ah u magacaabay guddiga ku-meel gaarka ah ee dhameestirka xeerarka kale ee sharciga doorashooyinka, waxaana aerintaan hore uga hadlay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada dalka.