Xamas oo jawaab kulul ka bixisay la-meel dhig ay ku sameysay Ilhaan Cumar

Washington (Caasimada Online) – Xarakada Muqaawamada Islaamiga ah ee Xamas ayaa si carro leh uga jawaabtay qoraal kasoo baxay Ilhaan Cumar oo ay kooxdaas kula meel dhigtay Mareykanka, Israel iyo Taliban, oo ay sheegtay inay tahay in dhammaantood lagu sameeyo baaritaano la xiriira dambiyo dagaal.

Ilhaan Cumar ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter-ka ku tiri “Waa inaan la xisabatan isku mid ah iyo caddaalad u helnaa dhammaan dhibanayaasha dambiyada ka dhanka ah bani’aadannimada. Waxaan aragnay dilal aan lagu fakari karin oo ay gaysteen Mareykanka, Hamas, Israel, Afghanistan iyo Taliban.”

Xamas ayaa taas ku tilmaantay arrin aan la aqbali karin iyo isla meel dhig lagu sameeyey dhibanayaasha iyo dilaaga.

“Waxay isla meel dhigtay dhibanaha iyo dilaaga, markii ay isku si ula dhaqantay wax iska caabinta shacabka Falastiin, dambiyada dagaalka ee Israel ee Falastiin, iyo gardarrada Mareykanka ee Afghanistan,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri afhayeenka Xamas ee arrimaha caalamiga ah Bassem Naim.

Naim ayaa ku ammaanay Ilhaan taageeradeeda ku aadan cadaaladda iyo xuquuqda dadka la caburiyo ee dunida oo dhan, si gaar ahna xuquuqda reer Falastiin.  

“Si kastaba, waa wax aan la aqbali karin inay sameyso is-barbar dhig caddaalad darro ah oo ka hor-imanaya xeerarka cadaaladda ee aas-aasiga ah iyo xeerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Bassem. 

Bassem ayaa ugu baaqay Ilhaan iyo dhammaan kuwa difaaca xuquuqda dadka Falastiin inay qeexitaan sax ah oo ku habboon ka bixiyaan xaaladda. 

Ilhaan ayaa sidoo kale horey ula kulantay dheelaceyn xooggan oo kaga timid xildhibaanada Yahuudda ah ee Congress-ka Mareykanka oo ku eedeeyey inay Mareykanka iyo Israel la meel dhigtay “ururo argagixiso.”