Kenya oo kasoo jawaabtay soo-jeedintii ka timid DF

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo dhoweysay qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku casuumtay inay dib u furto safaaraddii ay ku laheyd magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya 11-kii bishan ayaa lagu yiri “Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya.”

Kenya ayaa qoraalka jawaabta ah oo ay maanta soo saartay ku tiri “Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay bogaadinteeda usoo bandhigeysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna si xushmad leh ugu war-gelineysaa in dowladda Kenya ay soo dhoweeneyso oo ay qireyso casuumadda dowladda federaalka ee ah inay dib usoo celiso xiriirkii diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya.”

Dowladda Kenya ayaa intaas ku dartay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabi doonto hanaanka ay ku fureyso safaaraddeeda Muqdisho.

Waxay sidoo kale sheegtay Kenya inay ku casuumeyso safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inuu dib ugu soo laabto Nairobi, oo uu dib u billaabo waajibaadkiisa.  

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa ugu dambeyn sheegtay inay fursaddan uga faa’iideysaneyso inay mar kale u xaqiijiso wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya inay u hayso tixgelin weyn.