R/W Xamza iyo guddiga doorashada oo shir deg-deg yeeshay – Maxaa soo kordhay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlayey dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkan ayaa u dhexeeyey Xukuumadda iyo xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka, kuwaas oo weli lagu muransan yahay shaqada loo igmaday, kadib markii ay si adag uga horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si talada dib loogu celiyo shacabka, una soo doortaan hoggaankooda.

Wuxuu sheegay in arrintani ay tahay xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka maqnayd muddo ku siman konton sano.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray wasaaradaha iyo hay’adaha ku shaqada leh in ay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay gacanna dalka doorasho uga qabanayso, gacanna cadowga uga xorreynayso.

Guddiga Doorashooyinka oo la dhisay bishii November ee sannadkii hore, ayaa tan iyo markaas ku howlanaa hirgelinta habraaca doorashada qof iyo cod, iyagoo dhawaan bilaabay diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, inkasta oo ay ganafka ku dhufteen mucaaradka.