Xamza iyo saddex madax goboleed oo xalay wacdaro ka dhigay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo HirShabelle ayaa xalay tegay xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha iyo saddexda maamul goboleed ayaa waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido, taasi oo ka tarjumaysa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Booqashadan ayaa sidoo kale waxaa ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada ku wehlinayay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha.

Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada oo uu ka qabsoomay shirka Wadatashiga Qaran oo lasoo gaba-gabeeyay maalintii Jimcihii.

Shirka oo laga soo saaray war-murtiyeed ayaa waxay dhinacyadu heshiis ka gaareen qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada.

Golaha ayaa markaas isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyada oo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka.

Si kastaba, Amniga Muqdisho ayaa soo reysanayay bilihii dambe, ayada oo laamaha ammaanka oo kaashanaya ganacsatada ay ku guuleysteen in goobaha ganacsiga lagu xiro inta badan kaamirooyin, si loo helo raad-raac amni, ugana qeyb qaatan xaqiijinta amniga caasimada.