Dood yaab leh oo ka dhalatay kulan ka dhacay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maalintii shalay Madaxtooyadda Qaranka ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha dowladda Ruushka u jooga Soomaaliya Mikhail Golovanov, ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xooggan.

Kulankaan oo la soo dhigay barta Villa Somalia ee Facebook ayaa waxaa ka fal-celiyay dad badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay, ayada oo ay halkaasi ka dhalatay dood yaab leh.

Bulshada Soomaaliyeed qaar ee ka fal-celiyay kulankaan ayaa madaxweynaha usoo jeediyay inuu dalka ku casuumo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, halka qaar kalena ay sheegeen in midaasi suurta-gal aheyn oo uusan isku aamini karin, maadaama dalka uu yahay mid ay kor kala socdaan reer Galbeed, sida uu sheegay.

“Putin casuumaad udir mudane madaxweyne, guuleyso” ayuu yiri Cabdiqani Dajiye, halka uu Maxamed ugu jawaabay “Soomaaliya xarun reer galbeedka kor ay ka maamulan waaye dal arrimihiisa gaar ah u madax-banaan ma ahan ee asaga miyaa iman karo oo isku aamini karo.”

Sidoo kale, Mahad Cabdiqaadi Axmed ayaa isna madaxweynaha u diray dalab ah in Ruushka uu hal madax oo nuclear ah siiyo Soomaaliya, si ay ugu dhufato Ethiopia, oo si weyn isku hayaan xilligaan. Soo jeedintana waa mid kamid ah doodda yaabka leh ka dhalatay kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjiraha Ruushka Mikhail Golovanov.

“Ruushka xitaa waa ku jira arrimaha siyaasada dalkeena, Mareykan waa jooga, Qatar iyo Imaaraat waa joogaan, dalkeenna waa garoon halmar la wada gali karo!,” ayuu yiri Saajid Axmed oo ka fal-celiyay kulankaan.

“Ruushku haddii cuna-qabataynti hubka nalaga qaaday wa in ay hub nasiiya oo ciidanka noo qalabayaa,” ayuu yiri Saciid Daahir Bulcad.

Maxamed Xaaji ayaa sidoo kale isna waxa uu yiri “Mareykan intuu jogo Ruushka waxba kama ahan dalka.”

“Wallee dalkeenna dowlad kasta si fudud bey iskaga soo galeysaa iska baxeysaa, yaa u maqan dalkaan? shacabkii u kici lahaa siyaasi hebel fiican bey ku jiraan iyo qabiilkayga laandhere ah,” ayuu yiri Maxamed Salaad oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.