Xamza oo amar deg deg ah soo saaray kadib markii ay wada-hadleen Lafta-gareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa war kasoo saaray xaaladda gobolka Bakool, kadib markii deegaano ka tirsan gobolkaasi ay xoogaga Al-Shabaab ku weerareen ciidanka Liyuu Boolis.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagixisada ah.

Wuxuu si gaar ah ra’iisul wasaaraha usoo hadal qaaday deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato oo ay xalay saddex jiho ka weerareen xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab oo halkaas kula dagaalamay ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida, Itoobiya.

Xamza Cabdi Barre ayaa ballan-qaaday in dowladdu ay jawaab deg-deg ah ka bixin doonto dhibaatada ay geysatay argagixisada, si looga hortego weerarada ay ka fuliso dalka.

Sidoo kale wuxuu amray hay’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda adag ee haatan ka jirta gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Dadka ku nool deegaanadaas waxay Caasimada Online u sheegeen in dagaal culus ay soo qaaday kooxda Al-Shabaab, balse waxaan ilaa hadda la ogaan khasaaraha ka dhashay.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegtay inay qabsadeen Yeed iyo Aato, balse sheegashadiisa lama xaqiijin karo, waxaana aad u yar xogta laga heli karo deegaanada.

Isgaarsiinta deegaanka ayaa go’day, waxayna dagaalyahannada Al-Shabaab dagaalkaan ku ekeeyeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Liyuu Booliska ee ‘ilaalada xuduudaha iyo badqabka waddooyinka’ kuwaas oo hoos taga dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.