Sawirro: Xamza oo Balcad u tegay hirgelinta mashruuc ay Qatar maal-gelinayso

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ku tagey Balcad kormeer lagu dardar-gelinayo billowga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mashruucan dhismaha waddo uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah, iyada uu tilmaamay inay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.

Mudane Xamza oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, ayaa uga mahad-celiyey dowladda Qatar ee maal-gelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwaasi oo u huray naftooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay argagixisada, islamarkaana la xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maalgashi.

“Si loo helo maal-gashiga waxaa lagama maarmaan u ah in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kormeerkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlijayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Dowladda Qatar.

Si kastaba, Mashruucan ayaa ka kooban saddex qeybood oo lagu dhisayo waddooyinka isku xiraya Muqdisho-Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyada oo la soo gabagabeeyey labadii waji ee hore oo isku xireyey Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.