25 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

R/Wasaare Xamza oo deg deg uga jawaabay cabashada shacabka ee ka taagan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka jawaabaya cabashada kasoo yeereysa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aaddan Hay’adda NIRA, kadib markii ay soo bateen dhibaatooyinka lagu qabo xarumaha laga bixiyo kaararka.

Ra’iisul wasaraha ayaa kormeer ku tegay mid ka mid ah xarumaha laga qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, wuxuuna faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu arkay muuqaallada lagu faafiyay baraha bulshada ee muujinayo haween jiifa waddooyinka, si ay subaxda hore u galaan safka dadka la diiwaagelinayo, isaga oo tilmaamay in arrintaas aan la aqbali karin.

“Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”. ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Waxaa kale oo uu ku amray maamulka hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u gelin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaangalinayo.

Isla arrintan waxaa goor sii horreysay oo maanta ah ka hadlay Maareeyaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA Cabdiweli Timacadde oo warsaxaafadeed kasoo soo saaray  dhibaatada ka taagan xarumaha ha’yadda ee laga qaato kaararka aqoonsiga, halkaas oo uu ka jiro culeys xooggan.

Cabdiweli Timacadde ayaa si gaar ah uga hadlay muuuqaallo iyo sawirro qabsaday baraha bulshada, kuwaasi oo muujinaya dad badan oo haween ay ku jiraan oo xilli habeen ah dhex jiifa mid ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho si ay xilliga aroortii ah u helaan Kaarka NIRA.

Maareeyaha oo ka jawaabayay arrintaas iyo cabashooyinka kale ee taagan ayaa sheegay in uu jiro habraac ay u dajiyeen shaqada socoto ee diiwaangelinta, isla markaana howsha ay bilaabatay subaxii 7am, ayna khalad tahay in xilli habeen ah safka lasii galo.

“Xarumaha NIRA waxa ay subaxdii hawl-galaan (7am). Sidaasi awgeed, safku ma furna ka hor (7am) aroortii. Taasi waxay ka dhigan tahay in qofka aanay waxba u tarayn inuu xilligaas ka hor safka sii galo” ayuu yiri Maareeye Cabdiweli Timacadde.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waan ka xunnahay in shacabkeennu xilli aan habboonayn safka u galaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga, waana sababta aanu u laba-jibbaarnay dadaalladeenna la xiriira furista xarumo cusub, taas oo keentay in Hay’addu maalintii u adeegto tiro gaaraysa ku dhowaad 20,000 oo qof”.

- Advertisement -

Read more

Local News