Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis ayaa kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.
Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay iskaashiga iyo danaha labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo shacabka, si ay usoo doortaan hoggaankooda.
Xamza ayaa danjiraha UK la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa.
Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay ku dadaali doonto hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, xilli baarlamaanka labadiisa gole ay meel-mariyeen xeerarka muhiimka u ah doorashada iyo sidoo kale guddigii ka shaqeyn lahaa.
Dhankiisa danjiraha UK ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka.
Go’aanka uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadayo, xilli weli mucaaradka ay diidan yihiin qorshaha Villa Soomaaliya, iyaga oo qaadacay guddiga doorashooyinka.
Waxaa sidoo kale arrintan kasoo horjeedo maamullada Jubbaland iyo Puntland oo gebi ahaan xiriirkii u jaray dowladda, sababo la xiriirka khilaafka xooggan ee kala dhexeeya.