25.3 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xamza oo shaaciyay cidda ka dambeysa arrin uusan raali ka aheyn oo ka taagan Xamar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo xalay tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax ayaa caddeeyay in uusan raali ka aheyn in marka uu meel aadayo loo xiro waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in arrintaan ay mar walba ku qasbaan saraakiisha ammaankiisa qaabilsan, maadaama ay muhiim tahay in mas’uulku u hogaansamo saraakiisha u igman amnigiisa ee gacanta ku haysa.

Xamza ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in mar walba ay dhacdo in la xiro waddooyinka, taas oo dhibaatooyin kala kulmaan dadka shacabka ah, balse waxa uu rejo wanaag ka muujiyay in xaalka uu dhaami doono sidan.

“Waxaan idinka raali-gelinaya waqtiga aan imid oo habeen ah, maadaama jidkaan uu mashquul yahay marwalba in aan dadka Muslimiinta ka habaar guran, oo la riix-riixin oo jidadka la xirin ayaa isdhahay waqtiga la mari karo xiliyadaas ayaa ugu roon,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxyaabaha dhibaatada weyn igu ah waxaa weeyi in aan arko jidadka oo xiran oo la xirayo. War daaya hadaa nidhina nimanka askarta diiday, kari weynay. Marka waxaa keentay duruufta.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in mararka qaar uu ka baaqdo inuu magaalada aado, sababa la xiriira culeyska bulshada ka wajahaan marka la xiro waddooyinka uu adeegsanayo.

“Marar badan waxaan jeclaan lahaa in aan magaalada dhex galo oo asxaabtaydii la shaaheeyo, balse duruuf ayaa jirta, waxaase rajaynayaa in la arki doono anoo dalkayga baaskiil ku dhex wato,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News