Xamza oo sheegay arrin uu sanadkan uga duwan yahay Soomaaliya sanadihii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aadan xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Mudane Xamza ayaa waxa uu tilmaamay in ciidankeenna geesiyaasha ah ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo sannado badan ay kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

“Hambalyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka, laguna jabiyey Khawaarijta”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ay barbar socoto qorshaha dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda meel wanaagsan maraya, sida uu sheegay.

Mudane Xamza ayaa xusay in xukuumaddisu aysan marnaba ilaawi doonin halyeeyadii naftooda u haray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si ay cadowga Khawaarijta ah uga dulqaadi lahaayeen.

Sanadkan ayaa Soomaaliya uga dhigna sanadkii neecoowda dowladnimo, ayada oo tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay ciidamadu xoreeyeen deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda, kuwaasi oo qaarkood u ahaa marino muhiim u ah afkaartooda guracan.