Daawo: DF oo wafdi culus u dirtay degmada Balcad – Maxay ku soo arkeen?

Balcad (Caasimada Online) – Wafdi xildhibaano iyo wasiirro ah oo ka socda dowladda federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay safar ku tegay degmada Balcad oo 30 KM u jirta caasimadda Muqdisho.

Wafdigaas ayaa kormeerayey dhismaha wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Balcad iyo sidoo kale goobaha danta guud ee degmada Balcad.

Wafdigaan ayaa booqday meelaha cabsida badan laga qabo inuu ka fataho wabiga Shabeelle oo mara degmadaas iyo xarumo taariikhi ah,  sida warshadii Dharka Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Balcad.

Wasiirrada arrimaha gudaha, howlaha guud, tamarta iyo biyaha iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa isku raacay Balcad, waxaana safarkaas ka warbixiyey wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi oo carruur dharka ciidda u soo doonatay magaalada la saaran Mooto Bajaaj ayaa sheegay in reer Balcad ay hiigsanayaan hormar aan caadi aheyn.

“Waxaan rajeynayaa in xarumaha muhiimka ah ee degmadaas sida warshadii dharka dib loo howlgeliyo, waxaa naloo sheegay in 70% ay shaqeyneyso warshadu,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wuxuu ka warbixiyey muhiimadda ay wadadu leedahay shacabka ku nool degmada Balcad “Dadku waxay noo sheegeen in isbitaalka Soos ee Muqdisho ay 15 daqiiqo u socdaan, halka markii hore ay burburka wada ku dhibanaayeen oo haweenka foolanaya ay dhex ku umuli jireen,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dowladdu aysan Xamar ku ekeyn oo meel kasta ay tegayaan, “Maanta waa u jeedaan waxaan saaranahay Bajaaj ku sugan Balcad, halkaan waxaa ka da’ay roob badan oo meelaha qaar waxaa fatahaad geystay wabiga,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha gudaha XFS wuxuu sheegay in reer Balcad ay mustaqbal fiican leeyihiin oo dalaga ka soo go’a beeraha si nadiif ah loogu iib geeyo magaalada Muqdisho

Hoos ka daawo