Cudur dhif iyo naadir ah oo laga helay dalka Shiinaha

Beijing ( Caasimada Online) – Haweeney u dhalatay Shiinaha ayaa noqotay aadanihi ugu horreeyay oo u dhinta nuuc cusub oo ka mid ah hargabka ku dhaca shimbiraha, kaas oo ay WHO ugu magac-dartay H3N8.

Laanta Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurkaan dhif iyo naadirka ah lagu arkay Shiinaha, hase yeeshee uu u muuqdo mid aanan ku dhex faafeyn dadka.

Haweeneyda u dhimatay xanuunkan ayaa aheyd 56-jir kasoo jeedda gobolka Guangdong ee koofurta Shiinaha.

Waxay aheyd qofki saddexaad ee laga helay cudur-sidaha H3N8. Sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay WHO.

Kiisaska ayaa dhammaantood ku kooban Shiinaha, iyadoo horayna loo soo gudbiyay kiisaska labada ah.

Xarunta dhexe ee Xakameynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Guangdong ma bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan daruufaha ku xeeran dhimashada haweeneyda.

Shiinaha waxa uu caan ku yahay cudurrada laga qaado shimbiraha. Sida ay wararku sheegayaan, haweeneyda u dhimatay xanuunkaan ayaa booqatay suuq lagu iibiyo shimbiraha oo ah suuq qoyan.

Feyraska H3N8 ayaa ah mid ku badan shimbiraha, ma ahan cudur bixiyo calaamado muujinaya xanuunka. Sidoo kale waxa ay shimbiruhu qaadsiin karaan xayawaanka kale.

VOA