Daawo: Korneyl Saney Cabdulle “Waxaan ku jirnaa labo cibaado”

Galcad (Caasimada Online) – Korneyl Saney Cabdulle Gaab oo hoggaaminaya guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka uu hoggaaminayo Saney Cabdulle ayaa caawa ku sugan duleedka degaanka istaraatiijiga ah ee Budbud oo ka tirsan gobolka Galgaduud, deegaankaas ayaa weli ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab.

Saney Cabdulle ayaa balan-qaaday in maalmo kooban gudahood ay ku xoreynayaan gobolka Galgaduud deegaanada ay ka joogaan Al-Shabaab, isagoo sheegay inay ku jiraan laba cibaado.

“Roob ayaa nagu socda, askariguna roobka iyo qabowga dhacaya waa u diyaarsan yahay, waxaan ku jirnaa bishii Ramadaan, dagaalna waxaan kula jirnaa oo shaqo fiican ka heynaa Khawaarijta, marka waa laba cibaado, Ilaah ayaa na faray inaan la dirirno Khawaarijta, sidoo kale bishaan Ramadaana waa bil cibaado,” ayuu yiri Saney Cabdulle.

Korneylka ayaa sheegay in si buuxda ay ugu diyaar-garoobeen dagaalka Al-Shabaab oo hadda ay ku wajahan yihiin deegaano ay weli gobolka Galgaduud kaga ku sugan tahay kooxdu.

“Dhul badan ayaan soo xoreynay 10 bilood ayaan dagaalkaan ku soo jirnay, umad ay Khawaarijtu qaribtay ayaan kurbadii ka feydnay, inta halgankeena ka dhimana waan adkeysaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saney Cabdulle.

Wuxuu sheegay in shacabka gobolka Galgaduud ku nool ay gumeysi adag ugu jiraan Al-Shabaab, balse uu ku rajo weyn yahay inay ciidanka la shaqey doonaan, markii laga dul qaado kooxda Al-Shabaab.

“Bulshada Soomaaliyeed qof kasta wixii uu awoodo ha kula dagaalamo kooxda Al-Shabaab, qof kasta oo ku baxa gacanta Al-Shabaab waa ahlu jano, culimadu waa noo sheegtay horayna waan u aaminsanaa,” ayuu yiri Korneyl Saney Cabdulle oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka daawo