Sawirro: Senator Afcadey oo gaaray furimaha dagaalka, farriina gaarsiiyey ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Axmed Maxamed Cali Afcadey ayaa maanta furinta kula Soomay ciidanka xoogga dalka, Senatorka oo goob fagaare ah ugu khudbeeyey ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay adkeeyaan cibaadada Alle, inta ay gudanayaan waajibaadka qaran ee duurkaan ay u joogaan.

Senator Afcadey ayaa ciidanka ku baraarujiyey inay niyeystaan in dagaalka ay ku jiraan uu yahay jihaad xaq ah oo shacabka Soomaaliyeed ay uga dul qaadayaan cadow Khawaarij ah oo gumaadayey in ka badan 15 sano.

Dhanka kale dadka tuulada Ceel-Cali Axmed ayaa 4 neef oo Geel ah ku wareejiyay ciidanka xooga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee furinta ku jira, si ay ugala qeyb qaataan farxadda sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka xoogga dalka oo maanta 63-sano jirsaday ayaan dhigan wax xaflad ama dabaal-deg ah, maadaama ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka maanta uu furimaha ku booqday Senator Afcadey ayaa hadda kaabiga ku haya deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo kooxda Al-Shabaab ay weli ku sugan tahay.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay isaga cararay dhamaan deegaanadii ay gaareen ciidanka xoogga dalka, taas oo ciidamada u sahashay inay si nabad ah kula wareegaan deegaano sanado badan ay maamuleysay kooxdu.

Deegaanada qaar sida Ceeljuqow waxay Al-Shabaab uga carareen gaadiidkoodii kadib markii ay u waayeen shidaal ay ku kaxeystaan, maadaama ay go’doon adag saartay dowladda Soomaaliya.

Ciidanka xoogga dalka ayaa qorsheynaya inay maalmaha soo socda gaaraan deegaano badan oo Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in wax iska caabin ah aysan kala kulmeyn kooxda.