Daawo: DF oo wareejisay dhaxaltooyo 33 sano si sharci daro ah loogu haystay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa maanta ku wareejiyay dadkii lahaa guri dhaxaltooyo ah, kaasi oo 33 sano si sharci darro ah loo haystay, iyada oo si qasab ah ay maxkamadda u fulisay xukunkaan oo muddo soo jiitamayay.

“Maanta waxaa u taaganahay fulinta xukunkii maxkamadda ayna Faadumo wakiilka uga aheyd dhaxaltooyada reer Xuseen Faarax Warsame, warqadda fulinta ah ee soo saartay maxkamadda waxay soo saartay lix maalmood kahor, maantana wuu fulaya,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in hadda kadib ay si qasab ah u fulin doonaan fulimaha kasoo baxay maxkamadda, taasi oo aysan marnaba gor-gortan ka geli karin maamulka, isaga oo ugu baaqay in dadka loo xukumay ee guryaha lala fadhiyo ay la imaadan maxkamadda si loogu fuliyo.

“Faadumo Cali Nuur oo wakiil ka ah dhaxaltooyada reer Xuseen Faarax Warsame waxay sheegtay in 33 sano gurigaan uusan gacanteeda ku jirin oo dad kale ku tasarufayeen, waxayna sheegtay in 13 sano ay maxkamaddaha joogtay, laakiin Ilaahay maanta waa noo suurta-galiyay in Faadumo dhulkeeda la wareegto dhulkii wakiilka u aheyd ee dhaxaltooyada.”

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa daba-yaaqaddii bishii hore soo saartay digniin culus oo la xiriirta dadka weli xoogga ku haysta dhulalka aysan laheyn, iyada oo ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed ee haysta xukunada maxkamadda in si qasab ah loo meel-marinayo fulintooda.

“Dadka Soomaaliyeed ee cabashadooda taallo media-ha, waxba idin fulin maayo media oo idin xukumi maayo ee maxkamadaha imaada, horena waa u ballan-qaadnay haddana waa ballan-qaadeyna in qof xaq leh inuu maxkamaddaha hortooda ka ooyi doonin oo xaqooda siin doono meel kasta oo ay nala gasho,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa farriin u diraya dadka xukunada haysta ee dhahaya dhulkii nalooma fulin waa in maxkamaddaha imaadan. Maxkamaddaha waxay u tafa-xaydatay in fulinadaas ay si camali ah ugu wareejiso dhulkooda.”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka go’an tahay meel-marinta xukunada hore u dhacay ee dhulalka, kuwaasi oo waqti badan qaatay inay dhaqan-galaan, balse xilligaan ay meel-marinayaan iyaga oo adeegsanaya awooda ciidanka Booliska.

Hoos ka daawo muuqaalka