SOOMAALIYA iyo Mareykanka oo wada-hadallo cusub ku yeeshay Xalane + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre kula kulmay maanta xarunta Safaaradda ee Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wada-hadalkan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo xoojinta taageerada dhinacyada badan ee dowladda Mareykanku ay siiso dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay dowladad federaalka dagaalka kooxda Al-Shabaab, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka argagixisada.

Dowladda Mareykanka ayaa hore u sheegay in taageeradiisa dhinaca saanada hubka ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonto tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho, islamarkaana ay sare u qaadi doonto iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada.

Tan iyo markii ay bilowdeen howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.