Daawo: XASAN Sheekh oo codsi cusub u diray qof kasta oo Soomaali ah + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu hambaleeyay sanad-guurada 63-aad ee ka soo wareegatay maalintii la aas-aasay ciidanka xoogga dalka.

Villa Somalia oo faafisay muuqaalka hambalyada madaxweynaha ayaa waxa uu codsi la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxd Al-Shabaab u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay ogaadan, kana warhayaan Wiilasha iyo Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray Qaranka.

“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka waa maalin ku asteysan sanad-guuradii la xusay ayada oo halgan lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal-dag iyo gaardis balse lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada, sidaas daraadeed waxaa leeyahay hambalyo.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa leeyahay aan garab istaagno Wiilasha iyo Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo naftooda u huray Qaranka. 70 meelood oo dadka Soomaaliyeed ay dagan yihiin oo Degmo leh oo Beer, Tuulo, Ceel, Waddo iyo Deegaan leh oo dullinimo loogu noolaan jiray, maanta xornimo loogu nool yahay ayey lug ku mareen, markaas ayey joogaan cirifka meeshii ay gaba-gabeen lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay u diyaar garoowan dhameystirka howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoreynayo guud ahaan dalka.

“Dadka Soomaaliyeed ha diyaar garoowaan inta dhiman xoogga aan isugu geyno, yaan la caajisin oo dib loo dhicin aan la’is dhigan, Cadawga weli wuu nool yahay, dhulkeyn dhul ka mid ah weli wuu heystaa, waan taagannahay, waan soconnaa, xurnimo iyo sharaf ayaan doorannay, waana gaareynaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sanad waliba maanta oo kale 12-ka April 2023-ka ayaa la xusaa sanad-guurada kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyada oo dhidibada loo taagay 12-ka April 1960-kii.

Xilligaasi ayaa waxaa ciidanka lagu aas-aasay ciidan ka kooban siddeed horrimood, oo lagu magcaabi jiray waqtigaa Cali Boobaaye, kuwaasi oo tiradiisu ahayd laba kun oo Askari, oo laga kala qoray lix gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee gumeystihii Talyaaniga.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha