DF oo digniin hor leh kasoo saartay halis kusoo food leh magaalooyin dhowr ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin horleh oo ku aadan fatahaado ka dhalan kara webiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo kordhay heerkooda biyaha, sida ay sheegtay hay’addu.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka, gaar ahaan xarunta Qaran ee ka digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in halista fatahaadahan ay waji karaan magaalada Beledweyne oo Hiiraan ah iyo Baardheere iyo Doolow oo gobolka Gedo.

“System-yada aan kala socono heer biyaha wabiga degmooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo uu maro wabiga Shabeelle, ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay kor u kacay in ka badan 2.5 (Meter) taas oo sare u qaaday suurta-galnimada ay ku fatihi karaan xilli kasta, taasina waxay ka dhigan tahay in qatarta fatahaadu ay hadda tahay mid aad sare u sareysa.”

Hay’adda ayaa waxay digniin aad u sareysa u dirtay bulshada ku dhaqan hareeraha wabiyada iyo togaga iyo biyo mareenka, taas oo ah inay qaadaan tallaabooyinka muhiim u ah bad-baadada naftooda iyo hantidoodaba.

“Inta lagu guda-jiro 96 saacadood ee soo socota ayaa waxaa suurta-gal ah in qeybo kamid ah degmada Beledweyne ka dhacaan fatahaaddo, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara nolosha iyo hab nololeedka bulshooyinka ku nool degaannada hoos yimaaa degmada Beledweyne,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliyeed.

Hay’adda ayaa waxay sheegtay in ujeedka ay warbixintaan ula wadaageyso bulshada Soomaaliyeed ay tahay in la xoojiyo diyaar garoowga bulshada lana yareeyo saameynta ay fatahaadda ku yeelan karto bulshada ku nool meelaha ay halista fatahaadu ka jirto.

Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ayaa waxa kale oo loogu baaqay hay’addaha gargaarka ee ka howl-gala deegaanadaasi inay u diyaar garoobaan xaalad kale oo soo cusboonaatay, ayna kaalmo u muujiyaan bulshada ku dhaqan magaalooyinka uu wabiga Shabeelle maro.

“Xarunta Qaran ee ka digista Halis-wadareedka waxay si dhaw ula socotaa is-badalka iyo wixii kasoo cusboonaada xaaladahaan, waxayna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu-badesho xaaladda.”