Xog: Xilliga dib loo furayo waddooyinka Muqdisho oo xiran maalintii labaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayada oo la soo dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo wata baabuurta dagaalka ayaa lagu arkaayaa jidadka muhiimka ah, gaar ahaan waddooyinka Wadnaha, Maka Al-Mukarama iyo kuwa gala garoonka Aadan Cadde, waxayna gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay u diidayaan in ay Isticmaalaan waddooyinkaasi.

Isgoysyada xiran ayaa waxaa kamid ah, Dabka, Taleex, Soobe iyo Banaadir, Tarabuun, Bakaaraha, Howlwadaag, Siinaay iyo sidoo kale waddooyin kale oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha.

Sababta ay maalintii labaad oo xiriir ah u xiran yihiin waddooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay si loo adkeeyo amniga Wafdiga uu hoggaaminayo Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo Talaadadii booqasho ku yimid caasimadda dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaanba ay xiran yihiin goobaha waxbarashada sida; Jaamacadaha iyo Iskuuladda, iyada oo shacabka Magaalada Muqdisho ay maalayaan cagahooda, waxaana jiro waddooyin dhif ah oo ay ka shaqeeynayso Mooto Bajaajta.

Saraakiisha amniga ee dowladda federaalka oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in muddo kooban ay sii xirnaanayaan waddooyinka sababo la xiriira wafdiga Xoghayaha guud ee QM ee caasimadda ku sugan, waxaana la filayaa in galinka dambe ee maanta la furo.

Si kastaba, Waddooyinka Muqdisho iyo guud ahaan isku-socodka caasimadda ayaa inta badan hakad u gala ama loo xiraa wafuuda imaneysa caasimadda dalka, taasi oo shacabka cabasho xooggan ka muujiyeen, maadaama mararka qaar si kedis ah ugu soo waabariistan waddooyinka oo xiran.