R/W Xamza oo Sweden hordhigay dalabka hanaanka doorasho ee la diidan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dalka Sweden, kaasi oo uu hordhigay dalab la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ee xukuumaddiisa ay qorsheynayso.

Wafdigan oo uu horkacayo Wasiiru-dowladaha wasaaradda caddaaladda ee dalka Sweden Anders Hall ayaa ra’iisul wasaaraha waxay ka wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliy iyo Sweden.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Sweden ay ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah ee labada dal.

“Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal uu xafiiska ra’iisul wasaaraha kasoo saaray kulankaan.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyey (Sweden) in ay gacan ka geysato dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira horumarinta iyo dimuqraadiyeynta dalka,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Mr. Anders Hall ayaa intii uu socday kulanka waxa uu ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga iyo caddaalada, gaar ahaan dadaalladeeda la xiriira cirib-tirka kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo Soomaaaliya xasilloon oo ka caaggan argagixiso.

Dowladda Sweden oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxa ay kamid tahay dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka mashaariicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kale waxay kaalin muuqata ka qaadata gurmadka xaaladaha bini’aadannimo ee gudaha dalka.