Xamza: Siyaasadda waxaan rabaa inaan janno ku galo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Zamza Cabdi Barre oo horey u ahaa siyaasi Soomaaliyeed oo shaqooyin kala duwan soo qabtay ayaa wareysi horey looga qaaday kaga hadlay damaciisa gaarka ah ee hoggaamineed ee dalka iyo hadafka ugu weyn ee uu ka leeyahay siyaasadda Soomaaliya.

Xamza ayaa wareysigaas ku sheegay inuu siyaasadda ka rabo in jano uu ku galo, uguna adeegdo dadkiisa iyo dalkiisa.

“Haddaad rabto inaad leedahay riyo weyn oo dooneyso inaad waxaas xaqiijiso waxaa lagama maarmaan ah inaad u hurid (Sacrifice) sameyso marka goolkan aniga leeyahay waxaa weeye siyaasadda inaan janno ku galo” ayuu horey u yiri Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in barwaaqo kasta loo soo maro dhibaato, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in naf hurnimo loo sameeyo mustaqbalka dalka.

“Aniga waxaan aaminsanahay cid kasta iyo dal kasta oo barwaaqoobay waxaa jirta kuwa usoo gudbtay, usoo dhintay baaba’ay noloshoodii ka tegay oo ciqaabtaas u galay ayaa jira haddii ay intaas jiri laheyn, kuwa dambe kuma raaxeysteen,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in isaguna uu diyaar u yahay inuu istaago sidii Soomaaliya oo uu hadda ra’iisul wasaare ka noqday looga samata bixin lahaa xaaladda ay ku jirto.

“Sidaan ay Soomaaliya ku jirto intay kusii jiri laheyd, deegaankeyga sida uu ku jiro inta uu kusii jiri lahaa waxaan diyaar u ahay noloshaas mac macaan inaan isaga tego oo aan  Sacrifice sameyso oo raadiyo waxa aan doonayo saan ku xaqiijin lahaa,” ayuu markale yiri.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ayaa shalay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, waxaana marka uu helo codka kalsoonida uu ballan qaaday inuu dhisi doono xukuumad tayo leh oo har iyo habeen u istaagi doonto sidii ay u gudan laheyd waajibka loo igmaday.