Xanuun dad badan dilay oo ka dillaacay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 54 qof ayaa Soomaaliya ugu geeriyootay cudurka daacuunka bilihii lasoo dhaafay, iyada oo toddobaadkii lasoo dhaafay ay u geeriyoodeen dad gaaraya ilaa 9 ruux.

Tan ayaa ka dhigan in sanad gudihiis dadkii ugu badnaa ay hal toddobaad u geeriyoodeen xanuunkan.

Ilaa dhowr kun oo qof ayaa xanuunkan laga helay gudaha Soomaaliya, iyada oo badankood lala tacaalay, sida laga soo xiganayo howl-wadeennada caafimaad ee Muqdisho.

Kiisaska u badan ee xanuunkan ayaa laga soo warinaya kaamamka barakacayaasha, halkaasi oo inta badan lagu yaqaano in aysan helin biyo nadiif ah oo ku haboon cabitaanka, islamarkaana uu aad u hooseeyo adeega caafimaadka iyo gaar ahaan arrimaha la xiriira fayo-dhawrka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa daadadkii Soomaaliya ka dhacay, oo iyagu laftigooda keenay xanuunkan, oo meelaha qaarkood ay biyo fadhiisimo noqdeen.

Howl-wadeennada caafimaadka ayaa sidoo kale sheegaya in xanuunkan ay saameyn ku leeyihiin isku gudubka waddamada deriska, oo sanadkii hore qaarkood laga soo tabiyay kiisas hor leh.

Dowladda federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo deeq-bixiyayaasha caalamka ayey howl-wadeennada caafimaadka ugu baaqayaan “in arrintaan la dhayalsan oo la iskaashado wax ka qabashadeeda,” kahor inta aysan xaaladda gaarin meel halis.