Sawirro: MUUSE BIIXI oo dagaal gelinaya culimada Somaliland hal arrin darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay qasriga madaxtooyada kulan casho iyo afur ah ugu sameeyey culimada waaweyn ee maamulka, ayaa hor dhigay dalab cusub.

Madaxweyne Biixi ayaa culimada ugu baaqay inay difaaca dalkooda oo ula jeedo Somaliland ay safka hore ka galaan, kuna dhiirradaan jawaab ka bixinta wax kasta oo deel-qaaf iyo qadaf ku ah qarannimada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Culimadu hoosta uun bay ka duceeyaan ee culimada kale ee dalka farogelinaysa uma jawaabaane, taas halla ogaado oo culimadu qaybtooda dalka haka qaataan marka ay culimada kale soo farogelinayso,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibaddan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa madaxweyne Muuse Biixi kala qayb-galay madaxweyne-ku-xigeenka, xubno kamid ah golaha wasiiradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, badiba culimada waaweyn ee dalka iyo marti-sharaf kale.

Sidoo kale waxaa laga jeediyey munaasibadda hadallo la xiriira kaalinta muhiimka ah ee culimadu ku leedahay horumarinta dalka iyo isdhex-galka bulshada.

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo halkaasi ka hadlay ayaa bulshada kula dardaarmay inay isku tashadaan, ku dhaqanka Diinta ku adkaadaan, dawladnimada iyo waxa ay umadda heshiiska ku tahayna la wada ilaashado.

Qaar kamid ah culimada iyo aqoonyahanka dalka oo ay kamid yihiin Cabdirashiid Maxamed Baaxeer, Sheekh Almis Xaaji Yaxye, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Yaasiin iyo Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali (Makaawi) ayaa si isku mid ah ugu dheeraaday kaalinta culimada iyo waajibka ka saaran dhismaha dalkooda iyo kobcinta waxyiga ummadda, waxayna madaxweynaha uga mahad,naqeen kulanka ballaadhan ee uu culimada dalka u qabtay.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa isaguna dhankiisa madaxweynaha uga mahad-celiyay muhiimadda uu siinayo inuu la kulmo culimada waaweyn ee dalka, talooyinkooda iyo aragtiyahoodana dhegaysto, isaga oo culimadana ugu baaqay inay talooyinkooda bud-dhig uga dhigaan ilaalinta dawladnimada.

Kulanka madaxweynaha iyo culimada Somaliland oo ah mid sanad leh ah ayaa kusoo aaday xilli ay Somaliland la daala dhaceyso xaaladdo is-biirsaday, oo ay kamid yihiin arrimaha doorashooyinka, dagaallada gudaha iyo xiisadda ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa ee badda.