Farmaajo oo si yaab leh loogu weeraray safarkii Garoowe

Garoow (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay ka degay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, ayaa si yaab leh loogu weeraray socdaalkiisa.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Amniga ee gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), oo sidoo kalena horey uga tirsanaa kooxda Farmaajo ayaa madaxweynihii hore ku weeraray in uu lumiyay shacbiyaddii uu lahaa sanado kahor.

Cali Yare ayaa isbar-bar dhig yaab leh ku sameeyay safar hore oo 2018-kii uu Farmaajo ku tegay magaalada Garoowe iyo kii shalay, kuwaasi oo ka turjumaya laba waaqic oo kala fog.

Ninkan oo hadda si adag uga soo horjeeda Farmaajo, ayaa sidoo kale waxa uu arrintaan ku tilmaamay “fadeexad iyo hoos u dhac shacbiyeed oo qeylu xad ah”, maadaama uu sheegay in aan Farmaajo looga soo bixin mid kamid ah magaalooyinkii markii uu tallada qabtay sida weyn looga taageeray ee looga soo baxay.

“Siyaasi-kastoow ogoow dadweynuhu waa hanti aan la goyn karin markii ay dhabarka ku xijiyaanna waa ka quusashadaada qaranka ood xukunto haddii kale sidii saaxiibkeey ayay kugu dhici doontaa,” ayuu yiri Cali Yare.

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare

April 2020 xilligii uu Farmaajo shacbiyadda lahaan jiray, qiimeeyn aan ku sameeynay taageerayaasheenna dunida dacalladeeda ku nool waxaa kaalinta koowaad galay degmada Garoowe, Labaad Muqdisho, seddexaad Boosaaso, afaraad ma xasuusto Beledweeyne iyo Caabudwaaq midkii ay aheyd.

Labadaan sawir kan koowaad waa barxadda Garoowe waana 07 Jan, 2018. Kan labaad waa maanta 21 March 2024.

Horay waxaan u aragnay in halkii ay saaxiibkeey ay boqolaal kun oo taageerayaasheenna ahi daawan jirtay uu aakhirkii soo gaaray 5 kun oo qura, taas oo aheeyd hoos dhac 90% ah, maantana markale barxadda sidaan u maran iyo fadeexadani waxay ka dhacday magaaladii soomaali idilkeed loogu taageerada badnaa oo aan ognahay in asbuuc laga shaqeeynayay in shacab badan banaanka loo soo saaro.

Lacagtiina waa la cunay 2 qofna barxaddii Ciise Ruushka waa la keeni waayay.

Siyaasi-kastoow ogoow dadweeynuhu waa hanti aan la gooyn karin markii ay dhabarka ku xijiyaanna waa waa ka quusashadaada qaranka ood xukunto haddii kale sidii saaxiibkeey ayay kugu dhici doontaa; From Xabiibul Malaayiin TO Xabiibul Tobnaad.