Hay’adda NISA oo bedeshay aragtida ‘marqaatiga nool’ ee Muqdisho kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa qaaday tallaabo bedelaysa aragtidii qaldaneyd ee laga haystay ‘marqaatiga nool’ ee magaalada Muqdisho.

Kaamiradaha ammaanka ee lagu xiray qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa durba la haya natiijada mirahooda, kadib markii ay raad-raac lagu soo qabto noqdeen Shabaab magaalada ka geystay weeraro kala duwan.

Warbixin muuqaal ah oo uu xalay Telefishinka Qaranka uu sii daayay ayaa waxaa lagu soo bandhigay caddeymo ay duubeen kaamirooyinka amniga, kuwaas oo si dhammeystiran looga arkayo qaabkii ay argagixisada u fuliyeen qaraxyo ka dhacay suuqa Bakaaraha oo goobo ganacsi lagu beegsaday.

Dhowr qof oo ka mida raggii qaraxyada fuliyay iyo kuwii caawinayay ayaa muuqaallada laga arkayay dhaq-dhaqaaqooda ka hor inta aysan qaraxyada fulin iyo kadibba. Waxaana ay taasi fududeysay in wax badan laga ogaado falalka ay fuliyeen kooxdaas oo ka koobneyd lix qof.

Waxaa kale oo iyagana xogtooda iyo muuqaalladooda la helay koox argagaxisada kamida oo suuqa Bakaaraha ku daadinayay waraaqado ganacasatada looga digayo inay kaamirooyin isticmaalaan.

Arrinta xiisaha leh ayaa waxay tahay in aragtida ku saabsan isticmaalka kaamirooyinka ay billowgii hore la kulantay dhaleeceyn iyo tuhun ay faafinayeen argagaxisada iyo dad sabab aan la aqoon u caawinayay, kuwaasi oo ka midaysnaa inay diidayeen hirgelinta kaamirooyin amniga lagula socda, taasi oo markii lagu adkeystay hadda la wada arkay faa’iidadeeda.

Faa’iidooyinka kaamirooyinka ay sahleen in muddooyinkan falalka dhacay in ka-daba-tagooda la helayay, gaar ahaan fal dambiyeedkii dhacay bishii 21-kii Febraayo 2024 oo rag ka tirsan Ciidanka Booliska inta afduubteen ay dileen AUN Abukar Kaabax oo raadkii dilkiisa waxyaabaha lagu helay ay ka mid aheyd kaamiirooyinka Amniga.