Imaaraatka Carabta iyo amniga Soomaaliya – Maxaadan ogeyn?

Sida aad u malaynayso xaalka waa ka qotodheer yahay. Muddo 30 sano ka badan ayay dowladda Imaaraatka ku lug lahayd amniga Soomaaliya.  

Markii koowaad Imaaraatka waxa ay ciidamo ku biiriyeen hawlgalkii Rejo Soo Celinta ee Qaramada Midoobay sanadkii 1993-dii.  

Markii xigtay waxa ay ahayd sanadkii 2010-kii oo ay dhiseen ciidamada PMPF ee Puntland, kuwaas oo sanadkii ay ku bixi jirtay $50 milyan oo dollar. Hawshaas dhawr sano kadib ayay joogsatay, iyada oo Imaaraatka ay ciidankan ku sheegeen in ay la dagaalamayaan burcad badeedda. Markii dambe waxaa ciidankan loo adeegsaday rabshado siyaasadeed oo ka dhacay gudaha Puntland.  

2014-kii ayuu mar kale Imaaraatka oo Puntland kasoo digo rogtay la jaanqaaday dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, kalkii hore, waxayna tabobareen kumanaan ciidan ah.

Hawshan waxay socotay illaa sanadkii 2018-kii, markaas oo ay is qabteen dowladdii Farmaajo, taas oo keentay in Imaaraatka ay joojiyaan hawshii kaalmada ciidanka.

Markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo soo doortay, ayay isla cag heleen, waxayna tabobareen illaa 10 kun ciidan, iyaga oo bil kasta bixin jirey $9 malyuun oo dollar.  

Balse markan waxaa kasoo baxay natiijo wanaagsan, maadaamaa ciidamadii ay mushaarka siinayeen ay xasiliyeen caasimadda, sidoo kalena waxoogaa guulo ah laga soo hoyiyay furumaha dagaalka. 

Horaantii sanadkan ayay Imaaraatka qoonsadeen heshiis dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Turkiga, waxayna jareen dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidanka federaalka.

Hadda waxa ay Imaaraatka ku hareen Jubbaland, halkaas oo hawlgalo ay sameeyeen ciidamada Jubaland ay ka taageereen dhanka duqeymaha diyaaradaha Drones-ka, iyaga oo tabobaraya kumanaan askar ah, mushaar fiicana siiya. Waxa ay saldhig weyn ka dhisanayaan meel Kismaayo u dhow.

Si kastaba, ciidankii uu Imaaraatka tabobaray ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ugu fiican dhanka hawlgallada, marka la barbar dhig ciidamada dalalka kale. Lagama hadlayo unugyada tirada yar sida Danab iyo Gorgor oo ay kala tabobareen Maraykan iyo Turkiga.