Sheekh SHARIIF oo Xasan ku eedeeyay wax ka daran wixii ay ka diideen Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka shaqeynayo qabyaalad.

Shariif ayaa si cad u sheegay in Xasan Sheekh uu wado wax ka culus wixii ay shalay sida wada-jirka u diidanaayeen markii ay mucaaradka ahaayeen, uuna dalka ka socdo hadda.

“Shalay aniga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo rag kale oo mucaarad ah halkan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneynay hannaankii doorashada inuu afduubay , qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

“Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidan rabo haleygu qoro,oo yaan leyga farafareyn, cidna kalama tashanayo.”

Xasan ayuu uga digay in uusan shaqeyn doonin qorshaha uu ka shaqeyno, haddii uu meel-marintiisa u adeegsado guddoonka, “Waxaan u sheegayaa walaalkeey xitaa hadii wax aan sax aheyn ay Baarlamaanka mariyaan ma shaqeyn doonaan”

Shariif ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in muddo ay isku dayayeen inay u caqli celiyaan madaxweynaha tallada haya, balse ay waxba soo kordhin weysay, islamarkaana ay qabyaaladdii gaartay meeshii u xumeyd, ayna hoos u dhacday is-aaminaadii, sida uu sheegay.

“Waxaa intaa dheer muddo ayaan uga caqli celineynay sanad ka badan Madaxweynaha inuu ka joogo ummadda wax ayan u dhameyn. Wax kasta waxa ay gaareen hadda heerkii ugu hooseeyay oo qabyaaladii baa xoogeysatay, is aaminaadii ayaa hoos u dhacday,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo laabo waddada saxda ah, dalkaan ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin , wixii shalay aad diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto.”

Ugu dambeyntiina, Shariif oo si adag uga horyimid wax ka beddalka dastuurka ayaa sheegay in hanaanka loo wado wax ka beddelkiisa uu yahay “mid meesha ka saarayo dastuur loo mideysan yahay oo lagu dhaqmo”, islamarkaana uu dastuurka ka baxayo KMG keliya marka afti dadweyne loo qaado oo shacabka u coddeeyaan.

“Waxa socda ma ahan dhameystir dastuur ee waa dastuur beddel, maadaama qodobo aad u badan banaanka laga keenay, oo marka waxa lagu kordhinayo iyo waxa laga bixinayo bataan waxay noqoneysa dastuur beddel.”