NISA oo soo bandhigtay sawirrada rag dad badan ku laayey Muqdisho oo baxsad ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay sawirrada rag Wanted ah oo la baadi goobayo, kuwaas la helay muuqaalkooda, iyagoo qaraxyo dhigaya goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay baahisay sawirrada lix nin oo boorsooyin qaraxyo ah dhigay dad badana ku laayey tukaamo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, raggaan ayaa muuqaalkooda laga helay kaamiradaha qarsoon ee CCTV-ga.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee NISA ayaa dadka Soomaaliyeed looga dalbaday in qofkii arka raggaas uu la xiriiro lambaro laga helo hey’adaha ammaanka oo lagu soo bandhigay qoraalkaan.

“Hay’adaha ammaanka waxay ku raad-joogaan dhagar-qabayaashaan oo ah kuwii qarxiyey ganacsatada Suuqa Bakaaraha, fadlan hadii aad xog ka hayso la xariir Numberadaan, 991/199 ama 0770747474/0620545454,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay NISA.

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale baahiyay muuqaal Documentary ah oo ku saabsan qaraxyadii is xig-xigay ee 6-dii bishii Febraayo ee sanakan ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray dad shacab ah oo aan waxaba galabsan.

Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV oo ku xiraa goobaha ganacsi ee la qarxiyey ayaa laga helay muuqaalada sida ay u dhaceen qaraxyadaas iyo raggii fuliyay oo toos looga arki karo muqaalada la baahiyay.

Warbixin dhameystiran oo xalay uu baahiyey SNTV ayaa lagu sheegay in qaraxyadan boorsooyin looga keenay Ceelasha Biyaha, kadibna lagu beesaday Bakaaraha, iyadoo xubnaha geeyey loogu dhiibay gudaha Masjidka Abuuhureyra oo ku yaalla Bakaaraha.

Muuqaalka waxaa laga arki karaa rag wada boorsooyin oo iska dhigaya inay wax iibsanayaan, kuwaas oo qaraxyada dhigaya gudaha tukaamada la bartilmaameedsaday.

Sidoo kale waxaa Kaamirooyinka laga arkayaa nin taagan meel banaan ah oo toos Romuud ugu qarxinaya miinooyinka la dhigay tukaamada lagu dhex laayey shacabka, kuwaas oo ku jiray booqsooyin.

Goobaha la qarxiyay ee boorsooyinka la dhigay waxaa kamid ah xarumaha Bedar, Kaamil, Sanguuni, Waayo Arag iyo dhismo qabyo ah oo ku yaalla gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhameystiran: