Muqdisho (Caasimadda Online) – Intii u dhexeysay sannadihii 2008dii illaa 2011kii, badda Soomaaliya ayaa noqotay midda ugu halista badan dunida. Waxaa xusid mudan in 700 oo weerar lagu qaaday maraakiib mareysay badda Soomaaliya mudadaas.
Burcada Badda Soomaaliya ayaa afduubtay in ka badan 758 oo shaqaale ah, kuwaasoo ay madax furasho ku xireen. Shirkadaha Maraakiibta iyo Dowladaha ayaana bixiyey qiimo lacageed madax furasho ah oo dhan 7 bilyan oo dollarka Mareykanka ah sannadkii 2012kii.
Laakiin, wixii intaas ka dambeyey howlihii Burcadda Badda Soomaaliya iyo howlahoodii weerarka ayaa joogsaday. Afduubkii ugu dambeeyey ee ay geysteen wuxuu dhacay bishii May 2012kii.
Si kastaba ha ahaatee, bishii lasoo dhaafay oo keliya shan weerar oo lagu qaaday maraakiib ayaa la xaqiijiyey inay ka dheceen Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden), Markab laga leeyahay Sri Lanka ayaa la afduubtay 13kii bishii Maarso, Markabkaas oo lagu magacaabo Aris 13 ayaana waxaa la socday shaqaale kasoo jeeda Sri Lanka, ka dibna Burcadda ayaa daysay Markabkaas markii la siiyey lacagtii ay dalbadeen.
Ka dib shan sanno oo ay hakad galeen weerarada Burcada Badda ee Soomaaliya, waxay haatan u muuqataa inay dib usoo laabteen Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee ka weerar geli jiray Geeska Africa. Sababtuse maxay tahay?
Sababihii ka dambeeyey hakadkii ku yimid howlihii Burcadda Soomaalida ayaa waxaa lagu sheegay, awoodda ciidamada shisheeye ee ilaalada ka haya Xeebaha Soomaaliya. Shirkadaha iska leh Maraakiibta ku safreysa Badda Soomaaliya ayaana lagu qasbay inay lacag ku qarash gareeyaan awoodda ciidan ee ammaankooda sugaya.
Tan iyo markii ay awoodaas hubeysan bilaabeen ilaalinta Maraakiibta iyo Shaqaalaha ku safraya Biyaha Soomaaliya iyagoo ka ilaalinaya Burcadda Soomaaliya, si guul leh looma afduuban Markab ay ilaalinayaan.
Laakiin Markabkii Aris 13 ee uu ka babanaayey Calanka Comoros, oo ka mid ahaa kuwii lagu afduubtay weeraradii bilihii ugu dambeeyey ay qaadeen Burcad Badeeda Soomaalidu, waxaa la sheegay in aysan ilaalo ka heyn wax ciidan ah.
Marka laga hadlaayo weerarada qorsheysan ee Burcad Badeeda Soomaaliya waxay bilowdeen horaantii 2000. Soomaaliya waqtigaas kama aysan jirin dowlad awood leh. Inta badan, Burcaddii ka dambeysay weeraradaas waxay kasoo jeedeen Puntland iyo Galmudug. Balse haatan dowlad Goboleedka Galmudug ma lahan Madaxweyne, waxaana gobolkaas ka jira dagaalo gudaha ah oo ay Maamulkiisu uga soo horjeedaan Ahlu Sunna Waljamaaca.
Marka aad eegto dowlad Goboleedka Puntland waa ay ka xaalad wanaagsan tahay Galmudug, laakiin waxay sheegtay inay dhibaato ku qabto inay Ciidamo u dirto Xeebaha Soomaaliya. Dhanka kale, dalka Soomaaliya haatan waxaa ka jira abaar baahsan, waxaana intaas sii dheer dhaqaale xumo baahsan oo dhallinyarada aan shaqada heyn ee ku nool gudaha Soomaaliya lasoo deristay.
Dhallinyarada haddii loo agaasimo qaab burcad ah oo la hubeeyo waxay diyaar u yihiin inay la falgalaan Burcadda Badda, iyagoo eedda ugu badan dusha ka saaraya kuwa kuwa sida sharci darrada ah uga kaluumeysanaya Biyaha Soomaaliya. Waana arrin ay iska indhotiraan Beesha Caalamku.
Markabka Aris 13 wuxuu noqday Markabkii ugu weynaa ee ganacsi ee lagu afduubtay Biyaha Soomaaliya muddo afar sanno gudahood ah. Sidoo kale waxaa la afduubtaa Maraakiibka Kaluumeysiga iyo Doomaha kuwaasoo bartilmaameed sarre u ah Burcadda Badda Soomaaliya. Waxaa laga shaki qabaa xitaa inay jiraan weeraro aan warbixino laga diyaarin oo dhacay mudadaas maadaama dareenka dunidu uu meel kale uga weecday Burcadda Badda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

