Aamusnaanta Farmaajo oo shakiga iyo kalsooni darada sii kordhisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa la aamusay waxyaabihii uu kala soo kulmay safarkii uu ku tagay dalka Imaaraatka Carabta, mana jirto ilaa iyo hadda cid uu la wadaagay waxyaabaha uu kala soo kulmay Imaaraatka.

Dad badan ayaa shakiga ay qabeen kusii kordhay kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uusan dadweynaha la wadaagin waxyaabaha uu kala soo hadlay Imaaraatka iyo waxyaabaha uu kala soo kulmayba.

Shakiga ugu badan ee laga qabay arimaha imaaraatka ayaa kordhay kadib kulamo gaargaar ah oo madaxda ugu sareyso dalka ay madaxtooyada Soomaaliya kula qaataan safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya.

Waxaana shakigaasi uu dhaliyay in madaxda ay ka shaqeeyeen sidii loo damin lahaa mooshinkii xildhibaanada qaarkood ay u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka, waxaan sidoo kale la ogeyn waxyaabaha ka aamusiyay xildhibaanadii mooshinka waday.

Madaxweyne Farmaajo markii uu tagay Dubai kana soo laabtay ma uusan sheegin in saldhiga Berbera uu kala hadlay Imaaraatka Carabta, sidoo kalana ma uusan sheegin jawaabaha uu ka halay.

Dad badan oo xildhibaano hore ahaa iyo siyaasiyiin ayaa sheegay in shakiga laga qabo madaxda dalka uu kordhayo kaasi oo ku saleysan aamusiinta mooshinka iyo sida ay wax u jiraan.

Haddii ay kasii aamusaan amma mooshinka halkaasi lagu joojiyo waxaa kasii dhalan doono kalsooni daro ka dhex abuuranta shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com