Xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka

(Some of the scientific truths of Islam)

Qeybtii 1-aad 

W/Q: Dr. Warfa Abdi Mohamed (Garweyne), former lecturer in Hydrogeology and Groundwater scientist.

Waxaan qormadan u hibeeyey kuna xasuusanayaa shiikheennii qaaliga ahaa Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacamey), shiikhii axaadiista ee Soomaaliya iyo Sh. Axmed Cabdiraxmaan. ILAAHEY naxariistii janno ha siiyo. 

1 Afeef

Isaga oo kaalmaysanaya awoodda Alle ee weyn, wuxuu qoraagu isku deyeyaa in uu muujiyo in Qur’aanka Kariimku uusan ahayn kitaab cibaado oo keliya (soon & salad) ee uu yahay, weligiisna ahaa, aqoon sayniseed had iyo goor cusub oo xaqiiq ah (new scientific truth). Haddaba, wuxuu qoraagu ka afeefanayaa:

  1. in wixii uu qoraagu ku gefo ay tahay wax shakhsi ahaan qoraaga ugu kooban ee ma aha wax ka mid ah Islaamka, wixii uu xaqiijiyaana ay tahay Alle galladdiis;
  2. in uusan soo gudbin doonin wacdiga diiniga ah ee aayadaha Qur’aanka; wuxuu soo gudbinayaa oo keliya awoodda sayniseed ee ka buuxda aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada (the powerful scientific principals);
  3. in Aayadahaas iyo Axaadiistaas aan loola jeedin mayal-adayg diimeed, iyo xagjirnimo ee loola jeedo oo keliya soogudbinta xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka. 

2 Qiimaynta iyo qaderinta Qur’aanka iyo Sunnada

Islaamku waa hab-nololeed cusub, cilmi ah oo aan weligii isbedelin ( new scientific way of life). Islaamku ma aha male-awaal aadane, ee waxaa dhaliiltir, dheellitir iyo dhammaystirba isugu daray Allihii awoodda, ogaanshaha iyo ilaaladaba lahaa. Islaamku waa cilmi dabagalkiisa iyo daahfurkiisaba uu leeyahay Allaah oo keliya. Waa aqoon sayniseed waayo wuxuu wax ka sheegaa dhacdo, wuxuu dhacdadaas ka sheegaa xaqiiq, xaqiiqdaasina marnaba ma beenowdo (ever truth). Wax ka horreeyey ama ka dambeeyey oo buriyey ama beeniyey ma jiro. Wuxuu ku salaysan yahay aragti caqliga ogol, cilmi xaqiiq ah, cibrooyin awood weyn leh, abuurayana isbedel cusub oo nololeed. Hase yeeshee, inteenna badani sidaas uma qadderiso Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Rasuulka (CSWS).

Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada Rasuulku waxay mudan yihiin in la siiyo qiimayn iyo qaderin gaar ah. Waxaa jirta in dad badani ay isku dayaan in ay is-waafajiyaan Qur’aanka Kariimka iyo culuunta sayniska. Waxay ku dadaalaan in uusan Qur’aanku noqon mid dambeeya oo ay waajib tahay in la dhinac wado daahfur kasta oo soo kordha. Arrintaas waxay meelkadhac ku tahay Qur’aanka Kariimka. Waxaa dhacda in dabagal cilmi u muuqda la rumaysto, muddo dabadeed, uu noqdo sidii loo aaminey si ka duwan, amaba ay soo baxdo mid kale oo babi’inaysa gebiba (new theory). Haddaba, Qur’aanka Kariimka waa in la siiyo qiimayn gaar ah, waayo uma dhowa umana dhigmo culuunta kale oo dhan sida aan ku arkidoonno qormooyinka soo socda:

  1. Qur’aanka Kariimku waa aqoon-sayniseed awood weyn leh (powerfull scientific knowledge). Qur’aanku waa awooddii Alle. Wuxuu wax walba ka sheegaa xaqiiqda. Wixii uu beeniyo wax rumayn kara ma jiraan, wixii uu xaqiijiyana wax beenin kara ma jiraan. Sidaa daraadeed, laguma dhererin karo Qur’aanka Kariimka nooc kasta oo cilmi ah si kasta oo ay u yihiin xaqiiq. Haddii, haddaba, ay timaaddo tijaabo sayniseed aad loo rumaysto, hase yeeshee, aan waafaqsanayn Qur’aanka Kariimka, tijaabadaasi ilaa ay ka waafaqdo Qur’aanka Kariimka waxay ku jireysaa horumarin iyo odoros joogto ah. Qur’aanku waa aqoon sayniseed awood weyn leh;
  2. Qur’aanka Kariimka waa la waafaqaa ee isagu waxba ma waafoqo (the standard). Qur’aanku waa cilmi xaqiiq ah oo wax burin karaa ayan imaan intii ay jirtey taariikhda daahfuryada dunida saynisku. Haddaba, Qur’aanku uma baahna in lala hoos cararo wax aan la ogayn xaqiiqdooda oo u baahan baaritaan qaata muddo aad u dheer. Muxkamka (provable) iyo mutashaabaha (improvable) ee Quraanku midna uma dhigmo nooc kasta oo cilmi kale ah. Aragti kasta oo cusub ilaa ay ka waafaqdo Qur’aanka Kariimka waa in lagu hayaa baaritaan iyo odoros. Sidaa daraadeed, Qur’aanka ayaa assal ah oo la waafaqaa ee isagu wax ma waafoqo.
  3. Qur’aanka Kariimka waa la xigtaa ee isagu waxba ma soo xigto (the reference). Qur’aanku ma aha male-awaal iyo male-odoros ee horay iyo gadaalba waa xaqiiq. Taas oo macneheedu yahay in uusan isla bedelin isbedelka iyo horumarinta lagu hayo culuunta kale. Haddaba, Qur’aanku isaga ayaa ah midkii laga shidaal qaadanayey ee isagu waxba kama shidaal qaato;

(Macluumaadkan oo aad u fidsan waxaad ka heli kartaa cadadka saddexaad ee NOLOLI WAA BIYO, cinwaanka 15.3).

3 Mabaadii’da cilmibaarista casrigan ee Islaamka

Qur’aanku wuxuu aasaas dhab ah u noqday mabaadii’da looga baahan yahay cilmibaarista casrigan cusub. Waxyaalaha muujinaya in Qur’aanka Kariimku uu saldhig u ahaa cilmibaarista muhiimka ah oo dhan waxaa ka mid ah:

  1. Baahida loo qabey (necessity): Qur’aanka waxaa la soo dejiyey xilli baahi aad u weyn loo qabey in la helo aqoon garaadka aadanaha toosisa oo haddana kala duwan. Arrintani waxay noqotay xeer weligiis taagan: cilmibaaris kasta waa in ay jirto baahi sabatay;
  2. Cusaybka (novelty): Qur’aanku wuxuu ahaa mabaadii’ sayniseed oo cusub, wuuna ka duwanaa wixii horey loo yaqaanney ama la akhrin jirey oo dhan. Qur’aanku wuxuu ahaa xaqiiq cusub oo cilmi ah. Tani waxay noqotay mid weligeed taagan: cilmibaaris oo dhan waxaa looga baahan yahay in ay soo kordjiso xaqiiq cusub;
  3. Assal ahaanta (originality): cilmibaaris oo dhan waxaa looga baahan yahay in isha akhbaarteedu ay tahay mid qura, taasoo ah in ay ka yimaaddaan kuna dhamaadaan qofka ama kooxda barista samaysay, ama ayan horay u jirin iyadoo qaab kale ah. Qur’aanka iyo Sunnada nebigu (CSWS) waxay lahaayeen hal il oo keliya, Nebi Maxammed (CSWS). Sidaa awgeed, Qur’aanka iyo Sunnaduba waa original sida looga baahan yahay cilmibaarista cusub ee casrigan;
  4. Xaqiiqnimada (scientific truth): wax kast oo farsamo ahaan xaqiiq u ah (technically true), ama xisaabin ahaan xaqiiq u ah (mathematically true), ama caqli ahaan xaqiiq u ah (logically true), ama adeegsi ahaan xaqiiq u ah (practically true), waxaa la yiraahdaa saynis ama scientific. Haddaba, Qur’aanka Kariimka iyo Sunnaduba si walba waa xaqiiq sayniseed oo aan weligii isbedellin ama aan isburin sida looga baahan yahay baariscilmiyeedka xaqiiqda ah;
  5. Saamaynta nolosha (effect on one’s life): mabaadii’da sayniseed ee Qur’aanka iyo Sunnadu waxay saamayn aad iyo aad u weyn ku yeesheen nolosha aadanaha oo dhan. Waxay ku dhaliyaan qofka iyo qoomiyaddaba isbedel aan jujuub ahayn, isbedelkaas oo qurux iyo qiime gaar ah ku soo kordhiyey tayada nolosha aadanaha. Wuxuu isbedelkaasi abuuraa in qofku yeesho dhaqan cilimiyeysan (scientific culture), in uu yeesho shakhsiyad wanaagsan iyo mustawe nololeed oo sarreeya.

Sida muuqata, mabaadii’da aasaaska u ah cilmibaaris oo dhan waxaa laga soo minguuriyey Islaamka. (Macluumaadkan oo aad u faahfaahsan waxaad ka heli kartaa cadadka saddexaad ee NOLOLI WAA BIYO, cinwaanka 15.4). 

4 Qaar ka mid ah daahfuryada sayniseed ee casrigan ee Islaamku (some of the modern scientific discoveries of Islam) Mabaadii’da sayniseed ee Islaamku aad iyo aad ayey u fara badan yihiin, waxaanse ka bixineynaa 3 tusaale oo keliya.

  1. A) Microbiology & epidemic control

Nebi Maxammed (CSWS) wuxuu yiri sidatan:

 “Qofkiinna yuusan ku kaadin biyaha fadhiya ee aan soconnin dabadeedna  yuusan ku qobeysan. (waxa wada weriyey: Bukhaari, Muslim, Tirmidi,  Ibnidauud, ikk).

Sida ka muuqata xadiiskan, muddo laga joogo 14 qarni, Islaamku wuxuu mammnuucay in lagu kaadiyo ama lagu saxaroodo biyaha fadhiya ee aan soconin oo haddana uu qofku doonayo in uu dib u isticmaalo biyahaas. Sababta loo mamnuucay waxay salka ku haysaa in saxarada iyo kaadida ay la socdaan baktiiriya aad iyo aad u fara badan, cadad ahaan, una kala duwan, noocyo ahaan, kuwaas oo halis geliya caafimaadka basharka iyo beesha oo idil. Wuxuu xadiisku tilmaamayaa farqiga u dhexeeya biyaha fadhiya (sida harooyinka) iyo kuwa qulqula (sida webiyada, ceelasha). Wuxuu kale oo xadiiskani tilmaamayaa habka isnadiifinta dabiiciga ah (natural depuration) ee biyaha qulqulaya  massafo dheer, marka loo eego kuwa fadhiya ee aan iska nadiifin baktiiriyada. Wuxuu xadiiskani bulshada ku baraarujiyey 3 arrimood oo aad muhiim u ah:

  1. Tilmaamidda ilaha biirowga (indicating the sources of polution),
  2. Dareengelinta ummadda (public awareness) iyo
  3. Kahortagga ciribxumada (outbreak and epidemic control).

Wuxuu Islaamku arrimahan ka digey xilli uusan aadanuhu waxba ka garanayn dulinka cudurrada dhaliya ama fidiya (pathogenic microorganisms).

Sida xaqiiqdu tahay, biyaha fadhiyaa iskama nadiifiyaan baktiiriyada, hase yeeshee, biyaha qulqulayaa way iska nadiifiyaan dulinka ayagoo adeegsanaya habab kala duwan sida:

Floating, assimilation (isku-dhexbaabi’inta biireeyaha biyaha dhexdooda), sedimentation (ruushiyeynta salka la fariisiyo), precipitation, perculation (qulqulinta biireeyaha masaafo fog ee dhulka dushiisa ama dhexdiisa), oxidation, dilution (barxidda iyo biyeynta biireeyaha), dispersion (kalaluminta biireeyaha), dissociation (kalasoocidda atamada danabaysan ee biireeyaha); dissolution (milidda iyo kala daadinta biireeyaha biyaha dhexdooda) ikk.

Xadiiskani wuxuu gunaanad  u yahay takhasusyo gaar ah oo lagu barto laamaha kala duwan ee sayniska sida:

Public Hygiene and Sanitation,

Public Protection and Epidemic Control,

Microbiology and Infective Diseases,

Water quality: prevention and control etc.

Mabda’an sare wuxuu ka mid yahay mabaadii’da sayniseed ee Islaamka oo aad u awood weyn, wuxuuna aad iyo aad sare ugu qaadayaa tayada nolosha aadanaha. Sidaas oo ay tahay, mudada dabagalkiisu wuxuu qaatay wax aan ka badnayn sekenno, looma isticmaalin sheybaarro waaweyn, qalab aad u horumarsan oo qaali ah, iyo dhaqaale xooggan toona sida lagu yaqaan daahfuryada iyo dabagallada cilmiga ah ee dadsameegu. Xaqiiqdii, nebigeennu ma uusan ahayn Microbiologist, hase yeeshee, wuxuu ku hadlayey ayaa ahaa Waxyi loo waxyoodey.

  1. B) Brain chemicals/Hormones:

Mabaadii’da sayniseed ee Islaamka ee aad muhiimka u ah waxaa ka mid ah kan soo socda. Nin saxaabi ah ayaa rasuulkeenni (CSWS) weydiistey talo wanaagsan oo uusan qof kale weydiisan. Wuxuu rasuulku ninkii 3 goor ugu jawaabey: 

Ha xanaaqin! … Ha xanaaqin! … Ha xanaaqin!                  (waxaa weriyey: Bukhaari,

Muslim, Tirmidi, Ibnidaa’uud ikk).

Waxaa mabda’an oo kale la mid ah:

Bashaashada wejiga walaalkaa waa sadaqo (Xadiis)!

Waxaa isweydiin leh: maxay tahay dhibaatada ku jirta haddii qofku xanaaqo?

Waxaa si sahlan loo oran karaa, masiibo oo dhan waa xanaaq.

Marka qofku xanaaqo ama cabsado, xaaladdiisu waxay gaari kartaa meel halis ah. Marka qofka lagu yiraahdo hadal gef ah, ama uu helo khabar foolxun, ama bulshoweynta ay uga timaado cabsi aad u daran, wuxuu qofku bilaabaa in uu jawaab ka bixiyo, taas oo macneheedu yahay hormoonka jawaabta (reaction/responsive hormones), loona yaqaan Norepinephrine, Cortisol, Adrenaline ikk. Wuxuu qofku noqonayaa mid didsan; mararka qaarkoodna ay weheliyaan welwel, wadne-garaac, neeftuur iyo gacan-ka-hadal.

Marka qofku xanaaqo ama cabsado, hoormoonnadani waxay la wareegaan shaqooyinkii xubnaha iyo habdhisyada jirka oo dhan si ay qofka u samatabixiyaan, waxayna jirka geliyaan xaalad gurmad degdeg ah (emergency). Waxay kordhiyaan garaaca wadnaha si maskaxda loo gaarsiiyo dhiig iyo ogsijiin, waxayna kiciyaan cadaadiska dhigga. Waxay kordhiyaan sonkorta dhiigga (glucose) si loo kordhiyo tamarta qofka. Waxay heegan geliyaan habdhiska dheefshiidka, neefsiga, dhiigwareegga ikk. Marka falkii ama khabarkii kiciyey xanaaqa ama cabsida laga gudbo, hoormoonnadu waxay ku noqdaan heerkoodii caadiga ahaa. Hase yeehsee, marka xaaladdii kicisay xanaaqa ama cabsidu ay dabadheeraato, waxaa joogto noqonaya shaqada adrenaline, cortisol ikk. Taasi waxay sababtaa in ay kala gooyaan shaqooyinka habdhisyada jirka oo dhan, waxana qofka ku bilowda dhibaatooyin caafimaad oo aad iyo aad u qallafsan sida:

  • Wadne xanuun, dhiig-kar iyo sonkorta dhiigga oo cirka isku shareerta;
  • Quus iyo qalbijab (Depression) iyo culays-saar/culayslun (Weight gain/loss);
  • Himilo xumo, hurdo xumo, iyo Dareen joogto ah (Anxiety);
  • Xasuus xumo, timaha oo hoobta ama cirrooba iyo kuwo kale oo aad u tiro badan. Marka qofku waayo bashaashada wejiga ee walaalkiis/walaashiis waxaa islamarkiiba ku bilowda cabsi iyo feker, waxaana samaysma hoormoonnada loo yaqaan sad hormons, waxaa ku bilowda daal, xusuus luminta, iyo cilmiga oo ka tirtirma.

Weedha ah: bashaashada wejiga walaalkaa waa sadaqo ama ha xanaaqin waa weedho aad u kooban oo sahlan, hase yeeshee, waxay xambaarsan yihiin awood sayniseed aad u weyn. Haddaba, waxaa qof walba lagu waaninayaa in uu qaato talada Nebigeenna (CSWS), uuna iska ilaaliyo xanaaqa iyo cabsigelinta, waayo waxay soo jiidi karaan dhibaatooyin caafimaad oo aad iyo aad u qallafsan. Mabda’an sare wuxuu ka mid yahay mabaadii’da sayniseed ee Islaamka ee leh awood  aad u weyn (powerful scientific truth), wuxuuna aad iyo aad sare ugu qaadayaa tayada nolosha aadanaha.

(Macluumaadkan oo aad u faahfaahsan waxaad ka heli kartaa cadadka saddexaad ee NOLOLI WAA BIYO, cinwaanka 15.5).

  1. C) Qur’aanka iyo dacallada qaaradaha (Plate tectonics):

Mabaadii’da sayniseed ee Islaamka waxaa ka mid ah kan soo socda. Allah ayaa Qur’aanka Kariimka ku sheegay sidatan:

            Miyeyan arkayn in aan la imaanayno dhulka annagoo dacalladiisa soo    gaabinayna2.

                                                                       (Qur’aan Kariim, Al-Anbiyaa’, A: 44).

Haddii Aayaddan  si toos ah loo fasiro, waxaa looga jeedaa in dhulku soo gaabanayo kana soo gaabanayo dacallada. Haddiise lagu fasiro aragti iyo indho geology-yeed, waxay Aayaddani yeelanaysaa faham aad u ballaaran oo ku saabsan Plate tectonics iyo dacallada qaaradaha (plate tectonic boundaries).

Dhulku wuxuu leeyahay meelo ama dacallo uu ka kala fuqo oo uu ka fido, iyo dacallo uu iska hardiyo, ama uu ka burburo oo uu ka soo gaabto, waxaana dhammaantood la isku yoraahdaa dacallada qaaradaha – margines of plate tectonics ama Plate Tectonic Bounderies.

Aayadda sare waxay gaar ku tahay oo keliya dacallada qaaradaha ee dhulku ka burburo ama ka soo gaabto, waxaana loo yaqaan converging margines. Dacallada qaaradaha ee dhulku ka soo gaabto waxaa lagu yaqaan dhulgariir aad u tiro badan iyo Tsunami sida Japan iyo cirifka kale ee badweynta Pacific. Sida xaqiiqdu tahay, dhulku wuxuu leeyahay dacallo uu ka fido iyo kuwo uu ka soo gaabto sida uu sheegay Qur’aanka Kariimku. Haddaba, Qur’aanka Kariimku waa xaq, wixii uu sheegaana waa xaqiiq awood weyn leh, dhulku wuxuu leeyahay dacallo uu ka soo gaabto (power scientific truth, eeg shaxanka hoose). (Macluumaadka ku saabsan Plate Tectonics ee Qur’aanka Kariimka oo dhammaystiran waxaad ka heli kartaa cadadka saddexaad ee NOLOLI WAA BIYO, cutubka 16aad).

Mabda’an sare wuxuu ka mid yahay mabaadii’da sayniseed ee Islaamka ee awoodda weyn leh, hase yeeshee, aan lagu baraarugsanayn, ama aan la siinin fiiro gaar ah. Islaamku waa isbedel cilmi ah oo kor u qaadaya tayada nolosha aadanaha, caqliga ogol, haddana aan wakhtiga iyo waayuhuba bedelin (ever truth).

Shaxanka 1: Dacallada ay qaaraduhu ka soo gaabtaan (Warfa Abdi, in preparation). 

shax

Reference: NOLOLI WAA BIYO, Cadadka Saddexaad: Islaamka iyo aqoonta biyaha

La soco qeybta 2-aad Insha Allah