Sawirro laga soo qaaday Xasan Sh. oo fadeexad & qaran-jab muujiyey (Arag)

Beledweyn (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa shalay booqday magaalooyinka Beledweyn iyo Ceelbuur, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Si kastaba socdaalka madaxweynaha ayaa muran dhaliyey, kadib markii lasoo sawiray isaga oo salaam ka qaadanaya askar calanka Ethiopia wadata.

Ciidankii soo dhoweeyey madaxweynaha ayaa soo bandhigay saddex calan oo ah kan Ethiopia, Soomaaliya iyo Midowga Africa, inkasta oo kan Soomaaliya uu ugu muuqaal iyo cabir liitay.

Inkasta oo dadka aysan wax dhib ah u arkin in calanka Midowga Africa lasoo bandhigay, haddana waxaa baraha bulshada sida facebook iyo twitter, si aad ah looga xumaaday in calanka Ethiopia uu meel walba oo madaxweynaha joogo yaalay, oo xittaa uu salaaan ka qaatay.

Waxaa sidoo kale yaab lahaa in calanka Ethiopia la suray miiska ay madaxweynaha iyo xubnaha kale ku kumeen, taasi oo iyana yaab kale dhalisay.

Hoos ka arag sawirrada

has 3has 4has 6calan kale