Yaa ka dambeeyey in dowlada Ethiopia ay dalkeeda kasoo ceyrisay GALAYR?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khaatuma, Cali khaliif Galeyr ayaa laga masaafuriyey magaalada Addis Ababa oo uu dhowaan u tagay shir ku saabsan federaalka, kadib markii Dowladda Itoobiya ay u sheegtay inuu dalkeeda ka baxo.

Wararka laga helayo Addis Ababa ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay ku amartay Cali Khaliif Galeyr in dalkeeda uu isaga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Dowladda Ethiopia wax faahfaahin ah kama bixinin sababaha ay ugu amreen Cali Khaliif Gallayr inuu sida ugu dhaqsaha badan uga ambabaxo Addis Abeba.

Warar madax bannaan ayaa sheegayo inay Dowladda Ethiopia go’aankaasi u qaadatay si aysan xiisad siyaasadeed uga dhalanin safarka Cali Khaliif Gallayr, iyadoo Maamulladda Somaliland iyo Puntland oo jaal dhow la ah Ethiopia ay ka soo horjeedaan Siyaasadda Cali Khaliif Gallayr iyo Maamulkiisa Khaatumo.

Waxaa la sheegay in labada maamulba ay dowladda Ethiopia ka codsadeen inay dalkeeda kasoo ceyriso Galayr, ayada oo eegeysa danaha tira badan oo ay ku qabto labadaas maamul, oo Ethiopia ay u adeegsato kala qeybinta Somalia.

Dadka qaar ayaa rumeysan in Ethiopia ay u dhego nuglaatay labadaas maamul, ayada oo u aragta kuwa si aad ah ugala shaqeynaya rabitaankeeda ah in midnimada laga ilaaliyo Somalia.

Dhinaca kale, Saraakiisha Machadka HESPI ee qabanqaabiyey Shirweynahaasi wax hadal ah kama soo saarin go’aanka ay Dowladda Ethiopia ku masaafurinayo Ali Khaliif Gallayr.

Prof. Cali Khaliif oo haysta dhalashadda dalka Maraykanka, waxa uu xiriir la sameeyey Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Addis Abeba, lamana oga waxa ay isaga iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda ka wada hadleen.

Somaliland ayaa horay dagaallo ula gashay maamulka uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galeyr ee Khaatumo, oo loogu doortay deegaanka Saax-dheer Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo xiligii doorashadaasi ay dhaceysay Somaliland weerar ku qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com