Xasan Sh oo si kale u dhigay diidmada beelihii ka horyimid saddexda heshiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa sheegay in ay tahay horumar la gaaray dhamaan heshiisyadii ka dhacay: Garoowe, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo ee ku aadan maamul u sameynta gobalada dalka, aysan jirin dad badan oo diidan.

Xasan Sheekh oo farriin video ah soo diray, ayaa iska indha tiray oo si kale u dhigay diidmada ay heshiisyadaas ay ka muujiyeen dadka degan gobollada Dhexe, Bay iyo Bakool iyo Jubbooyinka iyo Gedo.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in heshiisyadaas ay diidan yihiin kale shaqsiyaad yar.

Xassan Shiikh ayaa fariin u diray SHAQSIYAAD-kaas oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan heshiisyadaas, balse ay wataan damac shaqsi oo ay doonayaan inay shacabka u adeegsadaan in wixii la dhisi lahaa lagu dumiyo.

“…Hadii ay dhacdo in Nin uu meesha ka waayo wixii uu doonayey ama uu jeclaa waayo, maaha in Waxaasi xunyihiin, Walaalka sidaa qabo Aday kuu gaartahay laakiin ogolow in shacabka kaa badan yahay…” ayuu Madaxweynaha yiri oo ka digay in waxa danta guud ku jirta aan loo burburin dano gaar ah oo ay shaqsiyaad ama kooxo wataan.

“…..Gobal iyo deegaan walba oo ka tirsan dalka Waa inuu maamul lagula xisaabtamo ka jiraa, inta aan qeybo kamid ah dalka ka jirin maamulo rasmi ah la heli mayo amaan…” ayuu yiri Xassan Shiikh oo sheegay inay lama huraan tahay in la helo maamuladii ka talin lahaa gobalada dalka taasina ahmiyad weyn siinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com