Xariga Janan ma caddaalad mise culays siyaasaddeed?

Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay xariga Wasiirkii Amniga ee Jubaland. Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Zakiya Xuseen, ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ku xaqiijinayso in “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ay taariikhdu markay ahayd 31/08/2019, soo xiray eedeeysane Cabdirashiid Xassan Nuur – Janan, kaasoo ku eedaysan dambiyo culus.”

Haddaba, xariga Cabdirashiid Xassan Nuur, ma waxuu la xariiraa dambiyo uu galay mise waa mid culeys lagu saarayo maamulka uu ka tirsan yahay ee Jubaland? Fariin caynkee ah ayay diraysaa xariga Cabdirashiid Janan?

Durbadiiba, waxaa xarigiisa soo dhoweeyey hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International, kuna tilmaantay tallaabo loo qaaday dhanka isla-xisaabtanka.

Eedaymaha loo haysto Cabdirashiid Janan waxaa sal looga dhigay warbixin QM ay soo saartay sanadii 2017. Waxay warbixintu xustay inuu is hortaag ku sameeyey kaalmada bin’aadanimada iyo inuu gaystay jirdil iyo dil intii u dhaxeysay 2014 iyo 2015.

Mucaaradka waxaa looga bartay inay dhaleecayaan talaabo kasta oo xukuumada qaado sax iyo khalad! Haddaba, maxay mucaaradka uga aamuseen dhacdadani?

Ugu horeyn, xukuumada waxaa ka soo booday neef, waxayna galad u aragtay in AMNESTY soo dhawayso xariga Cabdirashiid Janan. Balse, warbixinta Amnesty waxay af-qabatay mucaaradka!

Dowladda waxay cayaartay khamaar siyaasadeed. Waxaase dad badan ka yaabisay dhiiranaanta xukuumada, ayadoo la ogaa culeykii ay kala kulantay xarigii MukhtarRobow.

Shaki kuma jiro, in siyaasiyiin badan oo jila masraxa siyaasadda gaysteen gabood falo dhanka xuquuqda aadamaha, haddana moog danbiyadii ay galeen inay diiwaan ku qoran yihiin!

Ku-xigeenka Agaasimaha Bariga Afrika, Geeska iyo Great Lakes, Seif Magango ayaa yiri, “Xiritaanka Cabdirashiid Janan, waa tallaabo muhiim u ah dhanka isla xisaabtanka xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha, oo ay geysteen iyadoo aan la ciqaabin muddo sanado ah, shakhsiyaad awood badan oo Soomaaliya ah;” (Amnesty International Org. – September 2, 2019).

Balse waxa ugub ah oo ku soo kordhay masraxa siyaasadda, tan iyo intii la xiray Cabdirashiid Janan, ayaa ah in xertii mucaaradka ay kulan la qaateen Raysal-wasaare Kheyre, kalana hadleen arrimaha maamul u samaynta Gal-Mudug, kuna qanceen hanaanka ay xukuumada u daadihinayso howsha.

Sidoo kale, waxaa soo ifbaxay in Madaxweyne Xasan Sheikh uu dhan iskaga riixay fikrada sumaysan ee Cabdullahi Maxamed Cali – Sanbolooshe, taas oo ah biseyl siyaasaddeed oo ku soo kordhay Siyaasiyiinta Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah waxay sheegayaan, in maamulka uu ka tirsanaa Cabdirashiid Janan gaysteen danbiyo dhan ka ah xaquuqda aadamaha, tan iyo wixii ka danbeeya doorashadii uu afduubay Axmed Maxamed Islaam-Madoobe. Sida, dadka oo aan khiyaar u laheen inay cabiraan aragtidooda siyaasaddeed, inkastoo taasi ay ka mid tahay xuquuqda asaasiga ee uu damaanad qaadayo dastuurka iyo sharciyada dalka u yaal.

Barakacayaasha, ardayda dhigata dugsiyada in lagu qasbo ka qayb galka mudaharaad aysan raali ka ahayn, iyo ganacsatada oo lagu qasbo inay xiraan goobahooda ganacsi si ay qayb uga ahaadaan banaan-baxa lagu taageerayo boob dimuqaraadiyad loo siman yahay.

“maamulka Axmed Madoobe waxuu dad badan soo xusuusiyay, una dhaqmaya xilliyadii dalka uu ka jiray hal xisbi,” sidaas waxaa yiri Oday Axmed oo magaciisa runta ah u qarinay sababo la xiriira amnigiisa.

Ridwaan Nuur Ibraahim, oo diiday inay qayb ka noqoto banaanbax lagu taageeraye Axmed Madoobe, ayaa lagu dilay Ceelwaaq- Gedo. Banaanbaxaas waxaa soo qabanqaabiye Gaashanle Sare Cabaas Guray oo ah Taliyaha Daraawiishta Jubaland ee Ceelwaaq. Nuur Ibraahim Muumin oo ah aabaha Ridwaan ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ee Muqdisho ka furtay galdacwadeed, si uu cadaalad uga helo gabadhiisa – Ridwaan oo ahayd 16 jir (radio knn August 26 2019).

Xariga Cabdirashiid Janan waddada miyay u xaaraysaa in la gaaray xilligii lagu madlanaa in shaahid loo noqdo caddaalad loo siman yahay, haddana shaqaynaysa mise waa xagaayo iyo dhoola tus siyaasaddeed?

W/Q: Saciid Cabdisalaam
Jamhuriyadda.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid