25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xarunta Gobolka Banaadir iyo xafiisyo kale oo mar kale korontada laga jartay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in mar kale adeegga korontada laga jartay xarunta maamulka Gobalka Banaadir.

Korontadaan ayaa la jartay Sabtidii waxayna shalay maqneyd maalintii saddexaad. Goobaha ay ka maqan tahay ayaa kala ah Aqalka Dowladda Hoose, Xarunta ururka Dhalinyarada iyo Xarunta laga qaato Dhalashada iyo Sugnaanta ee dad dhigista.

Xubno kamid ah maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in lacag ki dhowaad $500, 000 lagu yeeshay dowladda Hoose, lacagtaas oo ah mid is gaar-gaartay.

Hore ayaa sidaan oo kale looga jartay Korontada iyo Biyaha waxeyna ka maqaneed muddo aan ka yareen 6 maalmood, markaasi oo wada-hadal kadib dib loo soo daayey.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhaqaale la’aan iyo maamul xumo, waxaana la sheegayaa in si qaldan loo isticmaalo lacagta canshuurta ah ee soo gasho gobalka Banaadir, oo markii horeba aad u yareyd.

Gobolka Banaadir ayaa soo xareeya dhaqaale malaayin dollar ah, hase yeeshee waxaa kasoo gaara kaliya 15%, waxaana inta kale qaata dowladda federaalka, maadaama aysan lahayn il kale oo dhaqaale oo gobollada dalka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News