Xasan Aadan Samatar – “Soomaalinimadii wali waa sideedii.”

Markii 26 sano kahor uu Xasan Aadan Samatar fanaaniinta Hobollada Waaberi kala qeyb-galay ruwaayaddii Dugsi maleh Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane – laba sano kaddib burburkii Kacaanka – Samatar maanu fileyn inuu kasoo degi doono isla gegidii uu ka dhoofay 30 sano kahor isaga oo ka niyadxun qalalaasihii markaas asiibay qarannimada Soomaaliya.

Balse maanta ayuu kasoo degay mar kale. Ka maqnaanshaha magaalo ay kusoo qaan-gaareen hal jiil ka badan – 25 sano – Samatar wuxuu og yahay inaysan sidii hore aheyn wax walba. Daawashada heestii Dalkaygow Dalxiiskaaga maan imaanin oo wadajir ay iskula qaadayaan fannaantii Waaberi, waxay maanta oo kale Samatar siinaysaa ugu yaraan fursaddii uu ugu dhex dalxiisi lahaa dhulkiisa.

Nasiib-wanaag wuxuu kusoo aadayaa xilli ugu yaraan wax walba ay ku jiraan dib u-soo kabasho. Xittaa Golihii Murtida oo uu ka dhex qaaday heesihii u hir-galay.

Wuxuu dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, isaga iyo reerkiisaba, hoy ahaan u degan yihiin dalka Jabuuti.

Samatar, oo berisamaadkii kamid ahaa tiirarka Hobollada Waaberi, wuxuu qaaday heeso kala duwan oo isugu jira jaceylka, waddaniga iyo wixii soo raaca. Waana fannaanka kaliya ee labada lahjadood ee afka Soomaaliga ku qaaday heesihiisa. Taas oo ka dhigtay af-yaqaan laba-gardaaqle ah.

Heesaha uu badi ku caan baxay waxaa kamid ah Siraad, Baladweyne, Isha Beydhabo, Habboon, Hara-digeed, Jabuuti, Israa’iil iyo kuwa kale oo talantaali uu ula qaaday fannaantii hablaha Waaberi sida Magool, Saado, Sahra Axmed, Shankaroon, Amina Abdillahi, Khadro Daahir iyo kuwa kale.

Riwaayadihii uu ka qeyb ahaa waxaa kamid ah Beeney waa Run, Dumistii Aqalkayga, Bidaar Sibiq bay kugu gashaa, Ha-waalnaado Jaceylkuye aan Weerarka aadno, Galbeed waa la xoreeyey Waarsaa gaagixisay iyo kuwa kale.

Samatar oo kamid ah wafdi la socday madaxweyne Jabuuti, Mudane Geelle, wuxuu ku biirayaa fannaaniin kale oo horay u joogay caasimadda Muqdisho sida Salaad Darbi, Abdalla Yuusuf Hanuuniye iyo Abwaan Barre Maxamed Fiidow oo iska lahaa heesta Markan da’da jiray 15 oo fannaanku qaaday.

Lama oga muddada uu joogi karo halkan iyo xittaa sababta uu maanta ula soo degay wafdiga Jabuuti ka yimid. Hase yeeshe, waxaa sugaya inuu waqti badan iska damiyo heesihii daltabyoodka lahaa ee maanta kahor uu dibadaha ku daaran jiray si uu saaxiibadiisa iyo ehelkiisa iyo guud ahaan jiilkii ku hana-qaaday codkiisa guuxa leh uu ula damaashaado.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com