Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay khilaafka Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadaadka xabsiga guriga ku ah magaalada Muqdisho ee Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muuqaal iska soo duubay ayaa ka hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan khilaafaadka hareeyey doorashada maamulkaasi.

Sheekh Xasan Daahir ayaa marka hore dhaliilay qorshaha dowladda ee dhismaha Galmudug, isagoo tilmaamay inay si qaldan u wajahday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dadkii mudnaa ee aqoonta lahaa arrimaha Galmudug aan loo dirin Dhuusamreeb, si loo qaboojiyo xiisada magaaladaasi.

Wadaadka ayaa sidoo kale xusay inuu si aad ula socday safarkii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kharye ee deegaanada Galmudug oo uu tilmaamay in aysan waxba ka soo bixin.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in reer Galmudug ay yihiin dad firfircoon, islamarkaana aysan yeeleynin juujuub, balse loona baahan yahay in laga shaqeeyo danaha guud.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada Galmudug, islamarkaana laga tago dano gaar ahaaneed ee la’isku hayo, si loo dhiso maamul mid ah.

Galmudug ayaa haatan ku jirta xaalad is mari waa ah, waxaana la filayaa in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka lagu qabto degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.