Xaaf: Doorashada maanta ee Dhuusomareeb kama duwana tii Axmed Baasto

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo warbaahinta ugu warramayey degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka hadlay doorashada maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xaaf, oo hadalkan jeediyey ka hor inta aysan doorashada dhicin, ayaa sheegay in doorashadan aysan ka duwaneyn tii magaalada Cadaado lagu qabtay ee Axmed Baasto, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan waxba soo kordhineyn, islamarkaana ay tahay doorasho la soo dhoo-dhoobay

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dowladda federaalka ay ka bad badisay, islamarkaana dad laga soo qaaday Xamar ay ka dhigtay xildhibaano, iyada oo ay joogaan kuwii Galmudug ee deegaanka lagu doortay.

“Doorashada maanta ee Dhuusamareeb kama duwanaan doonto tii Baasto ee cadaado lagu doortay oo kale, ma ahan dad inay Xamar ka soo qaadaan oo xafiisyadooda ka shaqeeya oo xildhibaanaa tihiin ee ninkaa doorta dhahaan, dowladda federalka arrimahaas hadeysan ka waan toobin wey ku ceeboobeysaa.” ayuu yiri Xaaf.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in weli uu yahay madaxweynaha sharciga ah, isla markaana waqti ahaan 15-bilood ay uga harsan tahay muddo xileedkiisa.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadaha soo socda ee maanta doorashada madaxweynaha Galmudug iyo madaxweyne xigeenka ay ka dhici doonto gudaha magaalada Dhuusamareeb oo haatan laga dareemayo qaban qaabo xoogan.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah oo ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.