Xasan Daahir: “Farmaajo waxa uu maskaxda kala socdaa Maxamed Siyaad”

Muqdisho (Caasimada Online)-Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta toos uga soo muuqday bartiisa Facebooka ayaa qeyb ka mid ah hadalkiisa uga hadlay sida uu wax ku wado Madaxweyne Farmajo.

Xasan Daahir ayaa sheegay in si gaar ah uu diiradda u saarayo ka hadalka Madaxweyne Farmaajo, maadaama wixii ka halaaba ay ka wada halaabayaan dalka.

“Walaalow dhaqankaaga, sida uu u socdo, sidii laguu qaabilay, sidii aad ku timid iyo sidii lagu doortay is mahalahan, meeshaan ayaan in kala socdaa qaabka aad u socotaan oo aad wax ku wadaan waa qaab aan munaasab u aheyn, dad iyo dalka 30 sano ku soo jiray fitno, xasilooni darri, is xoogid iyo is dil dhaqankaan laguma xasili karo wadadeedna kuma socotaan” ayuu yiri Xasan Daahir.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri, “Waxyaabaha dareenka i galiyay Farmaajo waxaa ka mid ah adigoo yiri oday nabadoon ah ayaa dalka ka noqonayaa, ayaad dadka waxooda dhaceysaa oo aad caburineysaa, Farmaajo ragu walaalow wax u dhaama malahan ee jooji xoogaan aad wax ku dooneyso wax ku heli maysid waana uga darayaa dalkaane”.

Xasan Daahir ayaa sheegay in madaxweye Farmaajo uu ku socdo maskaxdii Maxamed Siyaad Barre.

“Waxaan dareemayaa in wadciga ama waqtigu uusan is laheyn balse aad ku socoto maskaxdii Maxamed Siyaad Barre, walaalow iga raali ahaaw wadcigaan lagu jiro iyo kii uu ku soo shaqeeyay Maxamed Siyaad isma lahan, balan qaadkaagii iyo waxaad ku dhaqmeysana is malahan, maskaxdaada iyo waqtiga lagu jirana is malahan meeshaasna wax aan la mahdin ayaa ka imaan kara” ayuu yiri wadaadka xabsi guriga ah ee Xasan Daahir Aweys.

Halkaan ka daawo


strong>Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com